32.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Dhageyso: Prof Gaas oo ka hadlay R/W cusub: Magac C/weli laguma khasaaro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimda Online) – Musharaxa xilka Madaxweynaha Puntland 2014 ahaana raysalwasaarihii hore ee Soomaalida Prof. Cabdiweli Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtey caasimadda Puntland ee Garowe, kadib markii uu booqasho ku tegey magaalooyin badan oo ku yaala Gobolada Bari, Sanaag iyo Nugaal.

Prof.Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegey in booqashada uu ku tegey gobolada Puntland ay la xiriirto in uu soo arko soona darso xaaladooda dhabta ah haddii uu ku guukleysto tartanka Madaxweynaha uu wax ka qaban doono xaaladdii uu soo arkey.

Ama Musharax ahow ama Madaxweyne ahoow waa muhim in gobolada oo dhan la tago dadka la soo waraysto isla markaana wax laga qabto waxa ay u baahan yihiin ayuu yiri Prof.Cadbiweli Cali Gaas, waxaan soo ogaaney baahida dhabta ah ee ka jirta deegaanadii aan booqaney.

Musharaxa xilka Madaxweynaha Puntland Prof.Cabdiweli Cali Gaas ayaa hanbalyo u direyraysalwasaaraha cusub ee maalintii shalay lagu dhawaaqey, Waxa uu sheegey in uu yahay nin ay si weyn isu yaqaanaan macrifana yihiin, waa nin aqoonyahan ah oo karti leh ayuu yiri, waxaana uu ilaah uga baryey in masuuliyadda ilaah u fududeeyo.

“Magaca raysalwasaaraha cusub waa Cabdiweli, waxaan u malaynayaa in aan magacaas lagu khasaari jirin” ayuu si kaftan ah u yiri isaga oo u jeeda in Cabdiweli Shiikh Axmed yahay raysalwasaarihii labaad ee wata magaca Cabdiweli.

Halkan Hoose ka dhageyso Cabdi Weli Gaas

gaas

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News