Aadan Macalin Cali Yarow oo muddo kadib u soo gacan galay dowladda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Aadan Macalin Cali Yarow ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howl-gala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Aadan Macalin ayaa ka soo goostay Shabaab-ka weli ku dhuumaaleysanaya koonfurta gobolka Mudug, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Ninkaan ayaa iska soo dhiibay deegaanka Baraag-Garguurte oo hoostaga Xarardheere, waxaana lagu soo dhoweeyey gacmo furan, sida ay sheegeen saraakiisha gacanta ku heysa oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Aadan ayaa sheegay inuu u adkeysa waayey nolosha adag ee duurka ku heysata kooxda Al-Shabaab iyo howl-gallada socda ee ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay Mudug ka wadaan.

Ninkaan oo muddo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, ayaa maanta ka faa’iideysaya cafiska ay u fidisay dowladda federaalka Soomaaliya dhalinyarada ka barbar dagaalamaya kooxda.

Dowladda ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda oo isku soo dhiibay, kuwaasi oo inta badan sheega in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen in aysan waxba ka jirin iyo inay u adkeysan waayeen gulufka ay kooxda wajaheyso.

Si kastaba, Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda looga saaray deegaano horleh, inkasta oo ay weli ku sugan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli uu dib u dhacay wejiga labaad ee dagaalka oo horey dowladda u sheegtay inay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.