Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta goboka Baay ayaa ka hadlay isbeddelka siyaasadeed iyo midka maamul ee ka dhacay Koonfur Galbeed, kadib markii meesha laga saaray madaxweyne Lafta-gareen.
Aadan Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa marka hore u mahadceliyay dadka deegaanka ee sida diiran usoo dhaweeyay ciidamada, isaga oo sheegay inay muujiyeen dowladnimado jecel iyo rabitaankooda ku aadan inay la dhacsan yihiin qorshaha dowladda dhexe.
Sidoo kale, wuxuu boggaadiyay ciidamada Xoogga Dalka ee qaaday howlgalkii guuleystay, isaga oo sheegay inay la socdeen marweliba xaaladooda.
“Waa maqalnay in meeshii Daynuunaay ay ahayd ay Shabaab jidka u galeen ciidanka oo isku dayay in socodka meesha ku banjariyaan taasina waa laga soo gudbay, dadkii loo soo socday markii ar arkeen dowladda ku talagalkeeda ciidamadii laftirkooda waa is gaabiyeen” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Sidoo kale wuu intaas kusii daray “Guud ahaan waan idin-mahadcelineynaa dadkii deegaanka loogu yimid iyo maamulkii hore dadkii ka midka ahaa farxadooda iyo niyad-wanaagooda waa ku mahadsan yihiin”.
Intaas kadib Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in ay ka shaqeynayaan sidii doorasho xalaal ah looga qaban lahaa Baydhaba, waxaana uu faray ciidanka in ammaanka ay adkeeyaan, isla markaana habeenkii la yareeyo dhaq-dhaqaaqa.
Ujeedka booqashada Aadan Madoobe ee Baydhaba ayaa la xiriirta xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, si looga tashado marxaladda kala guurka ah ee maamulka.
Sidoo kale, waxaa qayb ka ah wafdigiisa xildhibaanno iyo wasiirro ay kamid yihiin wasiirka arrimaha gudaha Cali Xoosh iyo wasiirka awqaafta iyo arrimaha Islaamka Mukhtaar Roobow oo todobo sano kahor laga soo xiray magaaladaasi.
Si kastaba, Xaaladda Baydhaba ayaa haatan deggan kadib markii shalay ay si buuxda gacanta ugu dhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgal milatari ka fulisay gudaha magaaladaas oo ah xarunta gobolka Bakool.
La wareegista magaaladan ayaan keentay in si deg-deg ah ay isu beddesho xaaladda siyaasadeed ee maamulkaas, uuna is casilo maaxweyne Lafta-gareen.


