Aaadan Madoobe oo tallaabo cusub qaaday kadib go’aankii mucaaradka K/Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe ayaa maanta isbeddal ku sameeyay guddiga u heshiisiinta ee uu dhowan u xil-saaray arrimaha maamulka Koonfur Galbeed, kadib go’aan kasoo baxay xubnaha mucaaradka ee kasoo jeeda maamulkaasi.

Sheekh Aadan Madoobe beddalay laba xubnood oo ka mid ahaa guddiga, kuwaas oo uu maalmo kahor soo magacaabay, wuxuuna kusoo beddalay laba xubnood oo kale.

Maxamed Sheekh Xuseen Maxamed iyo Farxiyo Maxamed Yuusuf ayaa lagu soo diray guddiga, waxaana lagu beddalay Ibraahim Cabduqaadir Maxamed iyo Maxamed Ibraahim Barre.

“Wuxuu go’aamiyay guddoomiyuhu in wax ka beddal lagu sameeyo xubno kamid ahaa guddiga farsamada arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimd jadwalka furitaanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaas oo uu qorshuhu ahaa inuu si rasmi ah u billowdo 5-ta bishaan oo ku beegan maalinta Khamiista oo beri ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirka ayaa waxaa dib loo dhigay illaa saddex cisho, arrimo farsamo dartood, waxaana la filayaa in wufuuda ay gaarto magaalada Baydhabo.

Sidoo kale madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa saacadaha soo socda dib ugu laaban doonto xaruntiisa, si uu ugu sii diyaar garoobo shirkan oo uu iclaamiyay Aadan Madoobe, waxaana ka qayb-geli doono mucaaradka.

Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo u dhexeyso madaxtooyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxayna xiisaddu kasii dartay, kadib muddo kordhin labo sano ah oo loo sii sameeyey Lafta Gareen.

Dhowaan ayaa waxaa sidoo kale Baydhabo ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyay ciidanka ammaanka iyo kuwa la magac-baxay badbaadada Koonfur Gakbeed, kaas oo khasaare geystay, wuxuuna sidoo kale sii huriyay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi.