Aaran-jaan ma lagu aamini karaa mustaqbalka Puntland?

Aaran-jaan waa koox ka kooban wax aan ka badneyn shan xubnood oo reer Garoowe u badan, waxaana mufakir u ah Maxamuud Shido.

Kooxdaan waxay soo caan baxeen muddo xilleedkii uu Puntland xukumayey  Abdirahmaan Faroole,waxayna ku caan baxeen waxa afka English ka lagu yiraahdo  (Political manipulation) ayagoo ka faa’iideysanayey saameyntii ay ku lahaayeen Faroole.

Kooxda aaran-jaan laguma aqoon inay qof ka mid ah xukun usoo sharaxaan laakiin waxay ahaayeen koox abaabulan oo marwalba raadiya hoggaan ay ku shaqeystaan kana dhex fushadaan danahooda gaarka ah.

Inta la ogyahay hadafka ugu weyn ee ay siyaasada ugu jiraan waa maalaysi iyo inay siyaasada ka sameeyaan hanti farabadan.

Kooxdaan oo markii dambe soo dhisay  Siciid Deni waxay kala tageen markii  Siciid Deni looga adkaaday doorashadii  Federalka wuxuuna ku eedeeyey inay khiyaameen oo codadkiisii murashaxiin reer Muqdisho ah heshiis gooni ah kula galeen.

Mudadii ay siyaasadda Puntland saameynta ku lahaayeen waxaa u abuurantay cadaawad xad dhaaf ah oo ay ku kasbadeen dad badan oo ay siyaasadda ku dhibaateeyeen iyo hab dhaqan-kooda ka ganacsiga  siyaasadda.

Labadii doorasho ee heer fedraal waxay galaangal xooggan ku lahaayeen soo saaristii xildhibaanada Puntland ee heer fedraal si ay ugu suuq tagaan xildhibaano ay saameyn ku leeyihiin taasoo ay dadka reer Puntland aad ugu eedeeyeen inay saldhig u ahaayeen khilaafaadka soo xulista xildhibaanada heer fedraal.

Kooxda aaran-jaan oo hadda uu murashax u yahay Xasan Shire Abgaal, waxaa maal galiyey oo taageeraya  Xasan Sheekh Maxamuud oo ay kula heshiiyeen inay u meel marinayaan qorsha yaashiisa siyaasadeed ee ay ugu muhiimsan tahay wax ka badalka Dastuurka.

Murashax Xasan Shire Abgaal ma ahan murashax miisaan ahaan culus marka dib loo eego khibradiisa siyaasadeed iyo aqoontiisu maamul, qof ahaana looma arko shaqsiyad hoggaamineed.

Xildhibaanada Puntland masuuliyadda baa ka saaran in aysan Puntland u gacan galin koox beec-geysa.

W/Q: Jaamac Aw-ciise
Jawciise_2000@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.Â