Abiy Ahmed oo Jabuuti ka damacsan qorshe cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed ayaa wadda qorshe cusub oo uu doonayo in dalalka Jabuuti iyo Suudaan uu kaga mid dhigo isbadalka geeska Africa ka socdo oo Ethiopia ay hormuudka u tahay.

Kulamadaasi ayaa waxaa wasiirada arrimaha dibadda ee Ethiopia iyo Jabuuti ay saxaafadda u sheegeen in Jabuuti ay la dhacsan tahay sida ay hadda wax u socdaan, waxaana horey su’aal looga keenay ka maqnaanshahooda isbaheysiga gobolka.

Arrinta koowaad ee keentay inay ka maqnaadaan Shirarkii ugu dambeeyay ee seddex geesoodka ahaa ayaa waxay tahay in Jabuuti iyo Suudaan aysan isku wanaagsaneyn dalalka Imaaraatka iyo Sacuudiga oo la aamisan yahay inay door ku leeyihiin isbadalka Geeska.

Siyaasadda uu doonayo Abiy Axmed ayaa ah in labada dal ee Sudan iyo Jabuuti lagu soo daro isbadalka geeska Africa ka socdo ee Ethiopia garwadeenka ka tahay, waxaana labada dowladood ay isku dhaceen dalka Imaaraatka Bishii June ee sanadkaan.

Jabuuti oo ku taalla goob istiraatiiji ah ayaa su’aalo badan laga keenay sababtii ay uga maqneyd kulankii Baxar Daar ku dhex maray Hoggaamiyayaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, sidoo kale qubarrada siyaasadda geeska la socda ayaa su’aal geliyay sababta aysan shirkan iyo isbahaysiga cusub ugu jirin Suudan.

Haddii Abiy Axmed uu ku guuleysto in labada masuul ay kamid noqdaan shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho waxay noqon doontaa guul ay gaareen dalalka Bariga Africa, waxaana ay fariin u noqon doontaa wadamada Reer Galbeedka, Carabta iyo Shiinaha oo dano isdiidan ka leh dalalkaan isbaheysiga sameysanaya.
Waxaa soo dhawaan doonto in xal laga gaaro khilaafka Jabuuti iyo Imaaraatka oo isku qabtay maalgashiga dekada Dooraale ee dalka Jabuuti.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com