Ciidamada jabhadda ONLF oo isku dhiibaya Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in ciidamo ka tirsan Jabhadda oo saldhigooda ahaa dalka Eritrea inay dib ugu laaban doonaan dalka Ethiopia.

Afhayeenka Ururka ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge, ayaa shaaciyay in todobaadkaan ciidamadan oo saldhig ku lahaa dalka Eritrea inay dib ugu laaban doonaan Ethiopia, kadib heshiiskii dhexmaray iyaga iyo dowladda.

Wuxuu Afhayeenka sheegay in ciidamadaasi ay ku laaban doonaan magaalada Jigjiga ee Dhulka Soomaalida, iyaga oo halkaasi fariisin ka sameysan doono, sida qorshaha uu yahay.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in colaadii dhawaan ka dhacday magaalada Mooyaale inay kala hadleen dowladda Ethiopia iyo maamulka Oromada ee ka arimiya magaalada.

Isfahamka Dowladdaha Eritrea iyo Ethiopia, iyo heshiisyadii ONLF iyo Ethiopia ayaa fududeeyay inay ONLF laga saaro liixka ururada Argagixisada, waxaana arintaasi ka shaqeeyay ra’iisul wasaaraha cusub ee Ethiopia Dr Abiy Axmed.

Ciidamo badan oo ONLF ka tirsan ayaa wali ku jira deegaanada miyiga fog ee dhulka Soomaalida, waxaana iyagana la filayaa inay heshiisyada qeyb ka noqdaan oo dadkooda ay la noolaadaan.

Hoos ka dhageyso Hirmooge

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com