Xildhibaan Jeesow oo soo jeediyay arrin muhiim u ah wasiirada R/W Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay isbadalada lagu sameeyo golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee deg dega ah.

Xildhibaan Daahir Jeesow, ayaa soo jeediyay inay muhiim tahay in xubnaha golaha wasiirada ay la shaqeeyaan xukuumadda inta taladda  madaxweynaha uu hayo, si ay u fahmaan hanaanka shaqo wax badanna ay u qabtaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay dhacday marar badan in wasiiro xafiiska Fadhiyay muddo seddex bil ah xilka laga qaaday, taasi oo dhalin karto niyad jabka wasiirada kale ee shaqada haya, islamarkaana aysan halkaasi shaqo wanaagsan ka qabsoomi karin.

“Waxaan soo jeedinayaa in golaha wasiirrada ay afarta sano la dhameystaan madaxweynaha, si shaqo wanaagsan ay u qabtaan, waxaad arkeysaa wasiir seddex bil xafiiska joogay oo xilka laga qaaday, taasi niyad jab wasiirada kale ah ayay keeneysaa”ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Daahir Amiin Jeesow, oo mucaarad ahaa ayaa hadda saaxiib dhow la ah xafiisyada seddexda masuul ee ugu sareyso dalka, waxaana hadalkaan uu jeediyay xilli uu ka hadlayay shirka golaha baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com