CC Shakuur oo weerar ku qaaday ganacsatada.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku weerarayo ganacsatada Soomaaliyeed.

Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa ahaa mid is barbardhig ah oo uu ku sameeyey ganacsadaha weyn ee Mareykanka, Michael Bloomberg kaas oo deeq lacageed siiyey Jaamacaddii uu dhigan jiray isaga oo sabool ah.

Hoos Ka Aqri Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur

“Ganacsadaha Reer Maraykan Michael Bloomberg ayaa saakay deeq lacageed oo $1.8b ( Hal Bilyan iyo Sideen Boqol oo kun oo doolar) ugu deeqay Jaamacadii uu ardayga ka ahaan jiray ee Johns Hopkins. Bloomberg wuxuu sababta uu intaa oo lacag ah u bixiyey ku sheegay maqaal uu ku daabacay Wargaysa the New York Times.

Wuxuu yiri ma doonayo in dhalinta dakhligoodu hooseeyo ay dhaqaale la’aan waxbarashada uga haraan. Wuxuu sheegay in Aabihii uu dakhligiisa hooseeyey uu awoodi waayey in uu Jaamacada ka bixiyo, laakiin fursad loo siiyey in uu dayn ku dhigto, kana shaqeeyo hoyga ardayda. Wuxuu kaloo sheegay in deeqdii ugu horaysay ee uu Jaamacada siiyo uu bixiyey sanad ka dib qalin jebentiisii, taasoo dhanayd $5 (shan doolar). Waxaan is waydiiyey maxay Ganacsata Soomaaliyeed u ogol yihiin in ay danta guud ku bixiyaan, gaar ahaan kobcinta cilmiga iyo aqoonta? Mise in ay dadka ka macaashaan oo aysan dib wax ugu celin ayey doonayaan.

Waxaan ka warqabaa in Jaamacadaha dalka ugu waawayn qaarkood ay ku tiirsan yihiin deeq dad ajnabi ah laga soo ururiyey.”

Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ku xusay in ganacsata tahay kuwo macaash uun raadiya balse aan ka fekerin danaha dadweynaha.

Taas, waxaa mar loo fasiran karaa in uu meel uga wada dhacay ganacsatada oo la’ogyahay in qaar ka mid ah in ay door weyn ka qaataan caawinta iyo wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed.

Hase ahaatee, waxaa dhinaca kale qoraalka siyaasiga loo fasiri karaa mid waano dadban ah oo uu ugu hogo tusaaleenayo tallaabada ganacsadaha Michael Bloomberg ee dareemay in ay jiraan arday ku sugan xaaladdiisii oo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com