Caddeyn: Maamulka gobolka Banaadir oo musuqay malaayin dollar iyo shaqsiyaad lacagtii gobolka dal-dasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Miisaaniyada, Maaliyada Qorsheynta iyo La xisaabtanka dowladda ee  Golaha Shacabka ayaa maanta soo saaray warbixin xasaasi ah oo musuq-maasuq xooggan ku eedeysay maamulka Gobolka Banaadir, oo lagu la’yahay malaayiin dollar.

Warbixinta guddiga soo saaray ayaa looga hadlay wax is daba marin iyo in si qaldan loo maamulay miisaaniyadda maamulka gobolka bilihii Janaayo ilaa Juun ee sanadkan, ayada lacag badan oo baxday aan la ogeyn halka ay aaday.

Warbixinta ayaa xustay inaysan maamulka gobolka Banaadir ee uu hogaamiye Yariisow aan laga hayn wax caddeymo ah oo muujinaya halka ay ku baxday malaayiin dollar oo dakhligii soo galay ka mid ah

Waxaa kale oo cajiib ah in warbixinta ay xustay in ay jiraan ha’yado iyo shakhsiyaad ka baxsan dowlada hoose oo si joogta ah lacag uga qaata dowladda hoose, ayada oo aynan jirin wax heshiis qoran ama shaqo ah, oo ay u hayaan maamulka gobalka ama dowladda hoose.

Hoos ka aqriso qoraalka baarlamanka.