Abiy Axmed ma qamaaray mise qorshe ayaa u degan?

Muqdisho (Caasimada Online) – 1-da Janaayo 2024 ma noqon bilow Soomaalida xusuus wanaagsan u leh, meel walba oo ay joogaan, oo waxey qado tageen maalinkaas iyaga oo u wada careysan Abiy Axmed iyo Itoobiya. Halka Itoobiyaanka laga soo wariyay in ay dabaaldag qiireysan iyo is-marxabeyn isla dhexmarayeen maalinkaas oo idil.

Wax walba waxa ay isbaddaleen dhowr iyo todobaatan saacaadood ka dib markii ay maamulka Soomaali-land oo mudo soddon sanadood u careysnaa xukuumadihii Xamar ay Djabuuti wada hadal dad badan ka yaabiyay, kula galeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, si xal waara loogu helo kala-duriqii waqtig fog soo taagnaa.

Inkastoo aad loo soo dhoweeyay, waxa kaliya ee lafilayay kulankaas ka dib waxa uu ahaa; Soomaali isku tolantay markale. Waxaase si lama filaan ah isku baddelay rajadii laga qabay fadhiyadii ka dhacay Djabuuti, kasoo isu rogay walbahaar qaran.

Abiy Axmed oo aanan lagaraneyn halka uu kasoo kicitamay ayaa laga war helay isaga oo heshiis la saxiixday Muuse Biixi-ga Soomaali-land. Markii ay warameen labadooduba waxey sheegeen in bad iyo aqoonsi lagu kala badelanayay fadhigii aroorta hore lagu kalahay ee Addis Ababa ka dhacay.

Abiy kuma aheyn xan bad raadinta, ee isagoo qirsan buu kanaadinayay fagaarayaasha sida ay uga go’antahay in Itoobiya hesho bad deeq ah ama mid jeeb siib ku timid. Soomaaliya ayaase noqotay halka hankaas lagu fuliyay iyada oo la iswada arkayo.

Sheeg-sheegitaanka Abiy, baahida ay u qabaan bad iyo sida degdegsiimada leh ee loo fuliyay qorshahaas waxa ay muujineysaa waxyaabaha kale ee waaweyn ee laga filan karo hoggaanka Itoobiya.

Abiy waxa uu qaaday talaabo qadiimi ah oo lagu yaqiinay Itoobiya, waxaase markaan u dheer hamigiisa iyo u heylanaantiisa fulinta yoolal waaweyn, haba ku dhisnaato qar iska tuurnimo e, balse uu  ribix fiican ka faliyo.

Ninkaan oo kaga duwan madaxdii hore ee Itoobiya in uu dalka u maamulo sida shirkad teknoolojiyadda ka shaqeysa oo kale, dhibaatooyinka in laga dhex raadiyo fursado, qatar u bareeridana loo maro faa’iido badsi.

Waxaa laga yaabaa in aysan dad badan isku xerin talaabada uu qaaday Abiy iyo xiriirka ay leeyihiin kuwa uu horey ugu soo caano maalay. Seddexda arrin ee dhiira-galineysa waa in uu Eratariya kailaafkii iyo dagaalkii mudada dheeraa ee kala dhexeeyay Itoobiya uu kala heshiiyay waqtigii koobnaa ee uu xukunka joogay, wax badanse yeysan ka fulin heshiiskii la gaaray. In uu gobolka Tigree iyo murankoda dabray, is hardin dheer ka dib iyo in uu Cabdifitaax Al siisii ka faramaroojistay biya xireenka musiibada ku ah walaalaha reer Masar. In uu usoo gacan haatiyo Muuse Biixi waa iskudayadiisa tirada badan ee uu ku doonaayo in uu ka dhex taago Afrika taalo ay leedahay Itoobiya iyo in uu isku caleemo saaray boqorka da’da yare ee Itoobiya; haba ahaado caleemo saar uu ku kali yahay. Arrimahaan oo idil waxa ay muujinayaan in damaca Abiy iyo hanqaal-taagiisan tirada badan ee u eg in uusanba ogeyn in uu jiro dal la yiraahdo Soomaaliya uuna iskala camirtayba Muuse Biixi, Xamarna loo raray dhanka Biixi.

Isdabaalin ka fiican majirto marka aad latacaamuleyso qolo aad wax ku-kala qaadataan xoog iyo anaa taabsaday, madaama ay horey ugu martay farsamadaas, oo ay lisanayaan maanta dhul aan kooda aheyn, uguna sii fiican tahay markaan oo kale, marka nin kaloo Soomaali ah kuu ha’yo xariga hogaanka. Tani waxa ay muujineysaa sida uu Abiy u yahay Itoobiyaan.

Toloow maxaa qaaday ninka Soomaaliga ah, ma masrixiyad bay aheyd howshii uu Ismaaciil Cumar Gelle waday. Su’aalahaan oo idil waxaa ka muhiimsan in ay soo muuqatay sida ay Soomaali waxyeeli karto marka aysan kalsooni dhex oolin sidoo kalana kala shakisantahay, Biixise malagu xukumi karaa in uu gogol dhaafkii siyaasadeed ee loogu xusuus xumaa dhawaanahaan Soomaalida dhexdeeda sameeyay, sababtuna ay tahay isaga oo reerkiisii la casheeyay, in uu aroortii kalane quruumo kale la quraacday, iyadoon marqaati loo hayn meel reerka ku kala tagay.

Talaabadii Biixi ka dib uun baa laga war helay Xasan Sheekh oo dunida u qeyla dhaaminaya, taleefano iyo safaro isdaba yaala oo ay ka maqantahay Imaaraad-ka – oo maalgalisay dekeda Berbera, lana sheego in uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo xukuumada Xasan. Halka uu laba kacleeyay xiriirka Xasan uu ka rabo Qadar oo dhawaanahaan si’ uun u hooseeyay.

Waa halkan isgoyska ay dadka qaar tuhmayaan in Abiy haba han weynaadee, ay jiri karaan qolyo kale oo wax la karkarinaya! Sidoo kale halkaan farqiga hoggaamineed ee u dhaxeeya Abiy iyo Xasan waa in uu Abiy si xirfad ku dheehan tahay u baartay Imaarat-ka isagoo waliba lafihiisiina ilaashaday. Waxaa u marag ah guddoonsiintii la guddoonsiiyay bilada ugu sareysa dalkaas, in 19% oo maal gashi ah laga siiyay Berbera, in dhisidda qasrigiisa cusub laga garab-siinayo, maalgashi balaayiin ah oo Itoobiya lagaliyay iyo hadii uuba bad toos u helaayo maxa laga bi’iyay. Halka Xasan-na dharbaaxadii koobaad ee ku dhacday kaddib-ba uu ka fiigay xeradii lagu wada jiray.

Arrimahaan oo idil waa qeyb ka mid ah isbaddalada ka socda gobolka. Laakin waxaa hubanti ah in Itoobiya ay hesho bad uu noqon karo gorgortan ay Itoobiyaanka hor dhigi karaan quwada kala duwan oo laga yaabo in ay ku loolamayaan gacan ku dhigista Itoobiya. Dhinac marka laga eego Itoobiya oo bad hesha BRICS+ waxba uma dhimeyso, in ay wax kusoo kordhiso mooyaane, maadaama dhaqaalaha Itoobiya ee warshadaha ku dhisan sida la filayo mustaqbalka uu keeni karo dhaqaalaha BRICS+ in uu sii xoogeysto. Dhanka kale Itoobiya oo yareysa saameynta uu dalkeeda ku leeyahay BRICS+ iyo mida Shiinaha in ay ku beddelato in loo ogolaado in ay dariskeeda gacma gacmeysato, waa wax si’ uun loogu fakari karo. Maadaama dunidii shuruucda aan caddaalada aheyn ku dhisneyd ay hada xargihii sii jaraneyso, cid walboo xoog isbidana ay ku diganeyso cida ay doonto iyo waqtiga ay doonto.

Waxaase la is weydiin karaa, Abiy talaabo noocee ah buu ka filiyay Soomaaliya in ay qaado, waa tan ugu muhiimsan dooda socota. Ma ashtako iyo in ay buuq siyaasadeed abuurtaa Soomaaliya mise in basbaas indhaha la isaga firdhiyo. Hadii uu qorshe u deganaa waxaa lagaa yabaa in uu ugu yaraan u diyaar garoobay labadaan arrin midood, sida uu kayeeli lahaa. Waase halka lagu kala tagi doono’e! Magaranayo boola xooftada Soomaaliya in ay baqa jabin doonto amaba muhiimad ka leedahay aktiisa, amaba uu u arko uun in la nafisayo. 

Laakiin hadii ay Itoobiyaanka hubsadeen in Soomalida hadda uun dhaldhalaalka dunida u hor leeyahay oo farqaadistaba ay fowdo u arkaan, ay tahay marka ugu wanaagsan oo lasoo durqo, inta gacantooda ka qoyeysana aan fadhi oolin, amaba ay is tuseen in hogaan laga ganbadaba uusan reerka u joogin. Waa marka ay xaqiiqoobeyso in uusan jirin geed celiya Abiy garuun mooyee.

Buuq abuur siyaasadeedkii ay waday Soomaaliya, waxaa qeyb ka noqday in ay xiriiro iyo safaro dhoola tus ah ku tagto waddamo ay Itoobiya iskuurkuurayaan, sida Masar iyo Eratariya iyo sidoo kaleTurkiga oo xulufo amni la ah xukuumadda Soomaaliya si loogu baqagaliyo Itoobiya. Dowladahaanse maxay ka tari-karaan xurgufta jirta?

Masar mala dagaal gali kartaa Soomaaliya, jawaabta waa Maya inta la fahmi karo! Masar waxaa jooga Al-Siisii oo ku dhici waayay in Abiy uu biyaha wabiga ka dhacsado, sidee buu  biyo bad oo ay Soomaali leedahay waqti ugu heli karaa, culeyska ka heysta xuduuda Falastiin iyo xanaaqa shacabka Masar ka haya wax ka socda Gaza siduu u soo faarujin karaa, shacabka Masar ee uu kasoo dul dhacay siduu ugu sharixi doonaa biyo dadoow aan soo difaacoohaayaa isagoo timirtiisii dab u waayay, lama qariibsan karo saanada iyo tababarada in uu ugu roonaan karo Soomaaliya.

Halka Eratariya ka istagi karto waxa ay u badantahay, caawimaad dhinacyo kala duwan lahaan karta, maadaama aysan jirin meel ay soo mari karaan hu’wantooda, aan ka aheyn badda iyo cirka. waxaa arrintaas cusleysiin karana ay tahay, in daangadii Eratariya lagu soo dubay in ay Xamar diiday in ay dhuunta marsiiso iyo in uu culeys siyaasadeed soo fuuli karo, marka la eego sida dagaalka uusan u quseynin, xuduudna aysan iyaga iyo Soomaaliya u wadaagin, xitaa haddii ay soo durbaan qaadan lahaayeen.

Lamasa hubo qaabka ay Turkida kaga qeyb qaadan karaan, hadii uusan heshiis arrintaan quseya dhicin. Waxeysa u badantahay cid iyaga oo kale ah in loo baahan yahay xiliyadan, maadaama ay ku xeel dheer yihiin sida shuruucda caalamiga ah ee xaafadeysan loo qararamsado. 

Ugu dambeyn, haddii uu dhaco is fara-saar Itoobiya iyo Soomaaliya ah waxaa ogaal ah in ay kala miirmi doonaan, Itoobiya uunbaase fileysa in aan waddaniyad dhul looga difaacan karin, haba ugu weynaatee tii uu Siyaad Bare ka atooreynayay ee fashilka ku soo idlaatay. Xasan oo hadda labadiisa gacan midna uu qori ku sito mida kalane qalin – loo arkay in ciyaaryahanada qaar larabo in garoonka looga saaro – baanan la ogeyn xiliga ay xukuumaddiisa isku kariska ah, e aadka isugu kalsoon xitaa xiliyada aan cirka roob ka muuqan, ay foolan doonto gacanta seddexaad ee Abiy lagu miijin lahaa. Muuqaalka noocaan ahna waxa uu muujinayaa guri irrida gadaal u furan tahay!

W/Q: Saciid Macaani, Falanqeeye arimaha jiquraafi-siyaasadeed-ka dunida.