DF Somalia oo soo saartay amar dalka looga mamnuucayo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba mamnuucday Bacaha halka mar la isticmaalo, kuwaasi oo gudaha dalka aad looga isticmaalo.

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Bacaha halka mar la isticmaalo ay halis weyn ku yihiin deegaanka, taasi oo keentay in la mamnuuco.

Wareegtada oo ay ku saxiixan tahay wasiirka wasaaradda, Khadiija Al-Makhzoumi, kana kooban laba bogg ayaa lagu sheegay in guud ahaan dalka laga mamnuucay soo dajinta iyo ka gacansiga bacaha fudud ee halka mar la’isticmaalo.

Go’aannada kasoo baxay wasaaradda ayaa u dhigna sidaan hoose:-

  1. In gebi ahaanba Soomaaliya laga joojiyo soo dejinta, dhoofinta, soo saaridda, ka ganacsiga, iyo isticmaalka bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo laga bilaabo 30 ka Juun 2024.
  2. In dhammaaan ganacsatada soo dejisa bacaha, warshadaha soo saara, ganacsatada tafaariqleeyda iyo goobaha ganacsi ee dalka lagu wargelinayo in laga bilaabo 30 ka Juun 2024, aan bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo dalka la soo galin karin lagana isticmaali karin.
  3. Wasaaraddu waxa ay dhammaan shirkadaha iyo ganacsatada ku dhiirigelinaysaa hindisidda bedelka bacaha, kuwaas oo aan deegaanka waxyeelo u gaysanayn, Wasaaraddu gacan ayay ka gaysanaysaa taageeridda ganacsatada ku hawlan siddii loo heli lahaa walxo bedel ka noqda bacaha halka mar la isticmaalo.

Sidoo kale wareegtada ka soo baxday Wasaaradda ayaa waxaa lagu wargeliyay dhamaan ganacsatada iyo shirkadaha ay quseyso warqadan ay u hogaansamaan awaamiirta kor ku  xusan.

“Waxaa laga codsanayaa dhamaan hay’adaha dowladda ee warqadani ku socoto in ay gacan ku siiyaan wasaaradda dhaqan galinta wareegtadan,” ayaa lagu yiri warqadan oo kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Amb. Khadiija Maxamed Almakhzoum.