Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay tallaabadii yaabka laheyd ee DEEYOW

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Maxamed Deeyoow ayaa shalay u qubeeyey Taallada Xaawo-Taako, taasi oo fal-celin xooggan ay ka dhalatay.

Dhawaan ayaa lasoo gaba-gabeeyey tartankii ciyaaraha gobollada oo Galmudug ayaa qaaday koobkii, waxaana sidaas looga badiyey xulkii uu taageersanaa Deeyoow ee HirShabeelle, taasi oo sababtay in uu sharadkii ka soo baxo oo u qubeeyo Taallada Xaawo-Taako.

Muuqaal uu baahiyay Telefishanka Somali Cable ayaa waxaa kasoo muuqday Guddoomiye Deeyoow oo u qubeynaya Xaawo-Taako, wuxuuna sheegay sababta ku kaliftay inuu dhaqo oo nadiifiyo Taallada oo ku taalla afaafka hore ee madaxtooyada qaranka.

“Markii hore waxaan taageerayey xulka gobolka Banaadir, markii laga badiyey waxaan hadana taageeray HirShabeelle, intii aan laga badin waxaan galay sharad ah inaan u qubey doono taallada Xaawotaako, markii xulkii aan watay laga raayey waan ku qasbanahay inay sharadda soo furo,” ayuu yiri Deeyoow.

Maxamed Deeyoow ayaa aad u isticmaala baraha bulshada, waxayna isku xifaaleeyaan dhalinyarada kale oo qaarkood taageersanaa xulka guuleystay ee Galmudug. Waxaana siyaabo kala duwan looga fal-celiyay tallaabada uu qaaday.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Hilowle ayaa waxa uu yiri “Maxamed Deeyoow ballantii aad qaadey waad oofisay ee hore u soco Boondheer nadaafadeeda lagaa rabaa.”

Jacfar Tiirow: “Qof dumar ah oo u wakiishto ma waayay gudoomiyaha intuu asiga gacanta la aadi lahaa gudoomiyaha reer Galmudug kama xishoonin Deeyow.”

“Gudomiye wad ku mahadsan thy sida mamada ugu qubaysay,” ayey tiri Ayaan Aragsan oo ka fal-celisay tallabada uu qaaday Guddoomiye Deeyoow.

Cabdiraxmaan Suleymaan: “Meel lagu hoogay oo maalyacni ah ayaan dabada heynaa hadda qofkaan waa guddoomiye Degmo Xamar ka tirsan ah waxa mushkilad iyo dhibaato degmadaas dhax yaalo.”

Cabdikariim Axmed Barrow: “Waa sharaf dhac in halgamaa Xaawo Taako aad iskoobe ku dhaqdo Deeyoow.”

“Wallee Soomaaliya ma dhawa bal eeg masuul dowladeed weeye ruuxaan hadana sidii ilmihii buu dhaqmi. Sharad bal muxuu yahay Galmudug hambalyo kaliya maa uu dhaho, halkaasna looga gudbo sheekada ka bad-badis yaan laga dhigin hanbalyo hanbalyo Galmudug,” ayuu yiri Maxamed Cantoobo.

Maxamuud Nuur: “Guddoomiye Maxamed Deeyoo waa nin ballan leh. Sharadkii ahaa in haddii HirShabelle laga qaado koobka uu u qabeynayo Xaawo Taako wuu kasoo baxay.”

Cumar Cali Dhiblawe ayaa isna waxa uu yiri “Laba marba waa yaabe waa marka koowaad waxaan layaabe nin umad dhan hogaan u ah iyo dhaqankaan waa mar 2-aad haddane tv-ga waxaas noo soo warinayo wallee xikmadi dhimatay.”