Abiy iyo Farmaajo oo wada-hadallo taleefan yeeshay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Dr Abiy Axmed ayaa shaaciyey in wadahadallo dhanka taleefanka ah uu la yeeshay madax uu ku jiro madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo).

War qoraal ah oo uu Abiy soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu sidoo kale sheegay in wadahadallaasi ay qeyb ka ahaayeen, ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan, madaxaweynaha Kenya, Jabuuti iyo midka Suudaanta Koonfureed.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in ay ka wadahadleen xaaladda guud ee gobolka, gaar ahaan caqabadaha haatan soo ifbaxaya.

“Waxaan isku raacnay in aan si abaabulan uga jawaabo caqabadaha soo ifbaxaya.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Mr Abiy.

Siodo kale wuxuu intaasi ku daray in aan loo baahneyn in la carqaladeeyo is-dhexgalka xoogan ee haatan u dhexeeya gobolka.

Abiy ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday in mas’uuliyiinta uu la hadlay ay ka wada arrinsadeen ka hortagga cudurka faafa ee Coronavirsus, isagoo carabka ku adkeeyey in dalalka IGAD ku jira, haddii ay iskaashaadaan ay ciyaari karaan door muhiim ah.

“Wadamada xubnaha ka ah IGAD, si urur goboleed ah, waxay ciyaari karaan kaalin hoggaamineed oo muhiim ah, si loo xakameeyo faafitaanka COVID-19 iyo in si wax ku ool ah wax looga qabto caqabadaha dhaqaale ee uu fayraskani soo rogi karo,” ayuu markale yiri ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.

Wadahadlkaan dhinaca qadka taleefanka ah ayaa dhanka kale ku soo aadaya, iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisada u dhexeysa Masar iyo Itoobiya oo isku haya Webiga Nile.