Mid kamid ah madaxweyne ku xigeenada Jubaland oo wada-hadal la furay DF

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa wada-hadal kula jira dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Nairobi.

Maxamuud Sayid Aadan oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Nairobi ayaa joojiyay dhaq dhaqaaqyadii gobalka Gedo kadib markii is qilaafeen isaga, Cabdirashiid Janan iyo wasiir ku-xigeenkii arimaha gudaha ee dowladda horey isugu dhiibay.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegayaa in Maxamuud Sayid Aadan uu telephone kula hadlay masuuliyiin ka tirsan madwxtooyada Soomaaliya iyo kuwa gobalka Gedo waxayna wararku intaas ku darayaan in is faham ay gaareen dhinacyada wadahadlay.

“Waxaa dhici kartaa in uu dhawaan uu yimaado Muqdisho waxaana jira is faham qabyo ah oo la gaaray,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Villa Somalia oo aan la hadalnay.

Wadahadalkaan ayaa waxaa wada ama wakiil uga ah dowladda Soomaaliya taliye ku xigeenka NISA Cabdullahi Kulane iyo guddoomiye ku xigeenka Gedo Macalimow kuwaas oo kuwada sugan Gedo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowrkii bil ee la soo dhaafay culeys saartay maamulka Jubbaland kaas oo sababay in mas’uuliyiinta qaar is dhiibaan qaarkoodna ay u baxeen dhinaca dalka Kenya.