Abiy oo qorshihii Farmaajo iyo Muuse Biixi u weeciyey Kheyre iyo Muuse Biixi (Xog)

Hargeysa (Caasimada Online) — Ra’iisal saaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa dib usoo nooleeyey dadaaladii uu dib ugu furayey wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, oo muddooyinkii dambe fadhiid noqday.

Abiy Ahmed ayaa qorshihiisan cusub si gaar ah ugu beegsaday Madaxda ugu sareysa Somaliland iyo Soomaaliya, si uu ugu guuleysto soo nooleynta wada-hadalada labada dhinac ee gabalku u damay. 

Sida ay Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan madaxtooyada Somaliland u sheegeen Caasimada Online, Abiy ayaa qorshahaasi ugu horeyntii usoo bandhigay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, xili uu dhowaan safar ku tagay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa. 

Ra’iisal wasaare Kheyre ayuu Abiy usoo bandhigay in uu kaalinta ugu weyn ka qaato wada-hadaladaasi, isagoona soo diyaarinaya ajandaha ay xukuumada Soomaaliya ku wajaheyso wada-hadalada Somaliland. 

Abiy ayaa arrinkaasi ku sababeeyay fikir uu qabo oo ah in reer Somaliland ay waxyaabo badan ka tirsanayaan Madaxweyne Farmaajo oo xasaasiyad gaar ah ka qabaan, maadama ay Somaliland ganafka ku dhufatay safarkii Hargeysa ee uu qorsheeynayey in Farmaajo uu ku geeyo. 

Kheyre ayaa lagu soo waramaya inuu aqbalay qorshaha cusub ee Abiy, isla markaana uu usii bandhigay Madaxda reer Somaliland ee xukuumadiisa ku jira, si ay gacan uga siiyaan hirgelinta qorshahaasi cusub. 

Xubnaha xukuumada Kheyre kujira ee kasoo jeeda Somaliland, ayaa iyagu aaminsan fikirka midnimada Soomaaliya, lamana oga kaalinta ay ka qaadan karaan wada-hadalada labada dhinac, maadama ay Somaliland ka soo horjeedo inay xubnahaasi kamid noqdaan wada-hadaladaasi.

Abiy ayaa sidoo kale qorsheynayay inuu dabayaaqada bishan April magaalada Addis Ababa ku kulansiiyo Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, si loogu gogol xaadho bilowga wada-hadalada labada dhinac ee mudada badan hakadka ku jiray. 

Kulanka Abiy Ahmed uu iskugu keenayey Biixi iyo Kheyre, ayaa la filayaa in uu isbadal ku yimaado waqtigiisii, sababo la xiriira cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus.

Sidoo kale Abiy ayaa lagu soo waramayaa in uu fudeydiyay wada-hadal dhanka telefoonka oo dhexmaray Xasan Kheyre iyo Muuse Biixi, si uu qorshihiisu u noqdo mid midho dhala oo horseeda wada-hadalo rasmi ah oo dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi ayaa dhawaan qorshaha Abiy iyo wada-hadalka dhexmaray Kheyre si kooban ugu soo bandhigay Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland iyo qaar kamida madaxda mucaaridka, isagoona la socodsiiyay inuu jiro qorshe cusub oo uu dabada ka riixayo Ra’iisal Abiy Ahmed.

Inkasta oo uu Biixi si faah-faahsan uga warbixin Madaxda Somaliland qorshahaasi Abiy, haddana wuxuu qabsaday in muddo 10-cisho ah kadib uu warbixin buuxda ka siin doono qorshahaasi cusub ee wada-hadalada.

Qorshaha cusub ee Abiy ayaa ku soo aadaya xili ay Salaadiinta Somaliland ay dalbanayeen in dib loo bilaabo wada-hadala Somaliland, isla markaana ay ka qeyb noqdaan wada-hadaladaasi si looga gaadho natiijo wax ku ool ah, lamana oga inay daaha dabadeeda ka wado dowladda Soomaaliya, maadama ay dhowaan Madaxda Somaliland baaqyadaasi la xiriiriyeen inay hageyso oo dan ka leedahay dowladda federaalku. 

Lamana oga sida uu qorshaha Abiy u guuleysan doono, xili uu Madaxweynaha Somaliland u muuqdo mid ka caga jiidaya qorshahaasi, isagoona hore ganafka ugu dhuftay qorshihii fashilmay ee uu Abiy ku rabay inuu Madaxweyne Farmaajo ka dajiyo Hargeysa.