Somalia oo xirtay xuduuda ay la wadaagto dalka Kenya

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay maamulka degmada Beled-xaawo uu joojiyey isku socdka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha xadka wadamada Soomaaliya & Kenya.

Guddoomiyaha degmadaasi, Mudane Axmed Barre Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in go’aankaan uu yahay mid ay uga hortagayaan cudurka Coronavirus oo laba Kiis oo ka mid ah laga helay magaalada Mandera oo ku taal xadka.

Axmed Barre ayaa tilmaamay inay walaac xoogan ka qabaan kiisaskaasi, maadaama labada magaallo ay xiriir wada leeyihiin.

Sidoo kale wuxuu shacabka ku dhaqan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ugu baaqay inay muujiyaan taxadar iyo feejignaan dheeri ah.

Kenya oo daris la’ah Soomaaliya ayaa waxaa fara ba’an ku haya Fayruska Corona, iyadoona magaalooyinka dalkaasi la xadiiday dhaq dhaqaaq guud ee dadka.

Soomaaliya ayuu sidoo kale cudurkaan soo gaaray, waxaana dowladda federaalka ay saacadihii la soo dhaafay xaqiijisay kiiskii 8-aad oo laga helay qof ku sugan Muqdisho.

Dowladda dhexe ayaa horay u qaaday tallaabo lagu xakameynayo faafitaanka xanuunka, iyadoo joojisay dhammaan duulimaadyada, sidoo kalena xirtay goobaha waxbarshada