Carada qabiil ee ka dhallan karta heshiiska madaxweyne sheegtayaasha Jubaland

Heshiiska madaxweyne-sheegtayaasha Jubbaland ee Nairobi haddii u jiro waa arrin wanaagsan laakiin (compensating feedback) waxay keeneysaa natiija hor u socodka Jubaland dhib tii hore ka weyn.! 

Isbadal-doonka Jubbaland kuma uusan salaysnayn qabiil gaar ah, balse wuxuu ahaa dadka deegaanka oo si wadajir u raadinayay sinnaan iyo caddaalad.

Tan labaad awood-qeybsiga Jubaland waa qad cagaaran oo beelaha saami-qeybsi xaq ah u leeyihiin, tusaale Cabdinaasir Seeraar iyo Xiddig midkoodka madaxweyne ku xigeen kama noqon karaan Jubbaland iyada uu madaxweynaha yahay Axmed Madoobe, Sheekh Daahirna warkiisa dhaaf.

Waxaa habboon in wax laga barto fashilkii siyaasadeed ee ku dhacay Sheekh Shaakir iyo Ahlu Sunna ee Galmudug. 

Beelaha Jubbaland, gaar ahaan kuwa degen meesha ubucda u ah deegaanka ee Kismaayo waxa ay arkaan taliyeyaal ciidan, shaqaalaha rayidka ah, iyo waliba  qeybinta mucaawinada hey’adaha in beesha madaxweynaha uu kasoo jeedo ay inta badan qaadato, inta soo hartayna beeshaas ay dalaal ka tahay.

Taas oo jirto in haddane saddex nin oo ilmo adeero ah ku heshiiyaan masiirka maamulka iyo mustaqbalka deegaanka, waxay keenaysaa dareen guud oo ah in dulmiga uu sii kordhayo. Waxaa kale oo ay keeneysaa in ay soo cusboonaadaan dulmigii Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, Col. Axmed Cumar Jees iyo Col Barre Aadan Shir (Hiiraale) ay ku hayeen dadka Jubbooyinka. Waxaana tusaale kuugu filan in dagaalka labada beelood ku dhex maraya duleedka Kismaayo in middood lagu tuhmayo in maamulka uu si toos ah garab u siinayo. 

Madoobe dhaqankiisa (Trend analysis) ee ah in dhaqaalaha Jubbaland uu siyaasad ku bixiyo, deeqsina ku yahay, laakiin awoodda siyaasada qofna uma ogolo la qeyb sado, xitaa haba yaraatee, wuxuuna xitaa iska illaaliya in hal sargaal oo deegaanka ah uu federaalka qeyb ka noqdo ama meel kale oo muhiim ah kasoo muuqdo. 

Waxaase dhacda in heshiis uu si fudud u galo, isaga oo maskaxda qeybta dambe ka ogsoon in uusan fulin doonin heshiiskaas. Kaliya waqtiga iyo marxaladda cakiran ee markaas taagan ayuu kaga gudbaa.

Tusaale 2016-kii wuxuu heshiis la galay siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Gedo, hase yeeshee hal qodob oo heshiiskaas ka mid ah ma uusan fulin Axmed Madoobe.

Sidoo kale 2014-kii wuxuu heshiis Addis Ababa kula saxiixday dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, balse 99% heshiiskaas hal qodob lagama fulin. 

Marka iyada oo taas la ogyahay, maxaa ku kalifaya in Xiddig iyo Seeraar ay Axmed sidii awr aqal sida gurada u galaan.

Haddii aad u fiirsadtid sooyaalka taariikhda dhow, waxaad arkaysaa in dowladda federaalka aysan marnaba ku gardaroon maamulka Jubbaland, ee ay jirtay taas cagsigeeda.

1. Waxaa dhacaysay in gudaha baarlamaanka awood lagu samaysto, si loo rido madaxweynaha hadba markaas jooga ama loogu sanduleeyo in uu fuliyo waxa laga rabo, iyada oo la isticmaalayay lacago sandareero ah oo la siinayay xildhibaanada labada gole, balse taas waxa ay soo afjarantay markii guddoomiyaha golaha shacabka loo doortay mudane Maxamed Cabdiraxmaan Mursal.

2. Waxa Axmed Madoobe uu sameeyay isbahaysi la magac baxay Isbahaysiga Maamul Goboleedyada iyo iyo waliba mid larnaa oo ah mucaaradka dowlada federalka, iyada oo ay xusid mudantahay in meel fagaare ah uu guddoomiyihii maamul goboleedyada Cabdiwali Gaas ka sheegay in dalka boqolkiiba 90% ay iyaga xukumaan, dowladdana iyagu yihiin.

Hadda hoggaanka Jubbaland waxa ay u egtahay in uu meel cidlo ah soo istaagay kadib markii xildhibaanadii codka dheeraa ee mucaaradka ay ka safteen dhanka Galmudug, isbahaysigii maamul goboleedyadana uu gebi ahaanba burburey. 

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo waxoogaa sunuud ah ay Axmed Madoobe iyo Siciid Deni hoosta oga dirayeen si uu u mucaarado maamulka Galmudug, isna waa kii shalay ugu dambeyn taladii tolkiisa qaatay, shacabkiisana u turey, una tanaasulay madaxweyne Qoorqoor. 

Arrimaha dowladdaha dariska ah, Axmed Madoobe waxaan u qirayaa in uu yahay siyaasi laacib ku ah siyaasadda qaska ku salaysan, intii u dhaxaysay 2012-kii illaa 2016-kii wuxuu si rasmi ah oga faa’iidayay taageerada siyaasadeed ee Itoobiya iyo tan ciidan ee Kenya. Balse kama uusan faa’iideysan fursadahaas oo kuma uusan samayn maamul wanaag, maamul daadajin iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah, illaa maanta amarkiisa ayaa garta lagu kala goostaa Kismaayo, xitaa haddii la’isku hayo boos yar oo 20-20 ah. Baarlamaanka waxaa fadhiya guddoonkii (iga tir igu tir) ay u bixiyeen reer Kismaayaha waxgalka ah.

Isagii meel cidlo ayuu kusoo dhacay kadib markii ay heshiiyeen Itoobiya iyo Soomaaliya.

Taageeradii Kenya ee uu niyadda u sheegayay waxa ay ku banjartay dagaalkii Beledxaawo ee ciidamada Harmacad iyo Gorgor ay har cad cagta mariyeen maleeshiyaadkii dulufka ahaa ee uu Cabdirishiid Janan watay. 

Halka kaliya ee heshiiska Nairobi nuxur u yeelaya ayaa ah in heshiiska ay qeyb ka tahay dowladda federaalka, sababtoo ah iyada kaliya ayaa mas’uul ka ah, matelina karta beelaha dulman iyo muwaadhiniinta kale ee Jubbaland.

Haddii aysan taas jirin, Seeraar iyo Xiddig hal ayay bacaad ku lisayaan, Madoobana guul siyaasadeed oo Dhoobleey iyo Kismaayo aan dhaafsiinayn waxbo u tari mayso. 

3 bilood ka hor maamulka Jubbaland waxa uu ka talinayay 8 degmo, maantana labo degmo ayaa gacantiisa kusoo hartay. Gobolka Gedo waxaa gebi ahaanba gacanta ku haya dowladda Federaalka, waxaana jira qorshayaan bulshada laga samatobixiyo maamulkan boqno-goyska ah. 

Guntii iyo gebogebadii, Axmed Madoobe wuxuu u muuqdaa faras itaal gabay oo ay nafta kusii dabo yartahay.

Cabdulqaadir Cabdillaahi Maxamed – Waa agaasimahii horey ee maaliyada Jubaland iyo garoonka diyaarada Kismaayo 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid