Sawirro: Shuute oo amar culus siiyey ciidanka Danab ee ka hortagaya colaada ka taagan Wanlaweyn

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan Wanlaweyn ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday magaaladaasi.

Shuute oo kulan gaar ah la qaatay maamulka iyo odoyaasha dhaqanka ayaa wuxuu u sheegay in aan loo dul-qaadan doonin sii socoshada coladaasi, isaga oo tilmaamay in cadaalada la horkeeni doono dadkii ka dambeeyey dhibaatooyinkii ka dhacay halkaasi.

Sidoo kale wuxuu amray ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo dhowaan la geeyey Wanlaweyn in ay maleeshiyaadka weli  dhibaatada ka wada degmadaasi ku soo qabtaan nolol ama geeri mid-kood.

“Ciidamada Danab ayaan u dirtay Wanlaweyn, waxaana amarnay in ay tallaabo ka qaadaan dadka ku lugta leh dagaal beeleedyada dhacdooyinka naxdinta leh laga dhaxday, waxaan sidoo kale amarnay in Nolol ama Geeri ay kusoo qabtaan Shaqsiyaadka dhibaatada wada, xitaa waxaa uu amarkaan taabanaa dadka difaacaya” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la joogo doorka maxkamadda ciidamada, maadaama la dhibaateeyey dad birimageydo ah oo aan waxba geysanin.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in maalmaha socdo ay maxkamadda ka soo hor muuqan doonaan shaqsiyaadkii geystay gubidda, dilalkii ka dhacay halkaasi.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhacdooyin argagax leh lag soo warinayey degmada Wanlaweyn oo ay ka soo cusboonaadeen dagaallo sokeeye oo u dhexeeya laba beelood.