Gabar Itoobiyaan ah oo ka tagtay Somaliland oo laga helay astaamaha Covid-19

Hargeysa (Caasimada Online) – Haweenay u dhalatay dalka Itoobiya oo ka tagtay Somaliland, gaar ahaan magaalada Burco ayey shalay xuduudka Wajaale ee dhanka Itoobiya Ambalaas kaga qaadeen Hay’adaha caafimaadka ee dowlad deegaanka Soomaalida, xili ay si cad uga muuqdeen astaamaha lagu garto cudurka Covid-19 ama Coronavirus.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Haweenaydaasi oo ka soo jeeda qomiyada Oromada ayaa lagu magacaaba Sahra Maxamed, da’deeda lagu sheegayna 45-jir, iyadoona shalayba loo qaday magaalada Jig-jiga si loo xaqiijiyo inay cudurkaasi qabto.

Haweenaydan ayaa isla shalayba ka hor inta aan looga shakin cudurka ee la qaban isku soo martay magaalooyin dhowr ah oo u dhaxeeya Burco ilaa Wajaale oo ay uga gudbeysay dhanka Itoobiya.

Calaamadaha lagu arkay Haweenaydan ayaa ahaa gebi ahaanba kuwa lagu aqoonsan karo cudurka Coronavirus, sida qufac, xumad joogto ah iyo naqaska oo mararka qaar qabanaya, midaasi oo sababtay in lagu xiro Oxygen.

Haweenaydan ayaa xaaladeeda caafimaad lagu dabiibaya Isbitaal ku yaala magaalada Jigjiga, kaasi oo qeyb ka ah goobaha loogu talo galay in lagu karantiilo dadka looga shakisan yahay cudurkaasi ee caalamaduhuna ka muuqdan sida naqaska oo aad u qabanaya.

Waxaana la filayaa in isla maanataba lagu sameeyo baadhis buuxda, iyadoo laga qaadayo dhiigaga iyo dhiicaanadeeda, isla markaana lagu baadhi doono shaybaadhka cudurka Coronavirus ee magaalada Jigjiga.

Haweenaydan ka soo jeeda qomiyada Oromada ee Itoobiya, ee ay ka muuqdaan caalamadaha ugu daran ee lagu aqoonsado Coronaha, ayaa sarre u sii qaadeysa halista ay reer Somaliland ugu jiraan faafista cudurkaasi, maadama ay ka timid magaalada Burco, ayna soo martay magaalooyin kale oo ka tirsan Somaliland.