Abiy oo soo dabcay iyo kulan xasaasi ah oo dhacaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed iyo madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta ay kulan xasaasi ah oo foolka fool ah ay ku yeeshaan magaalada Anakara ee dalka Turkiga.

Kulankan ayaa waxaa la soo warinayaa inuu soo dalbaday Abiy Axmed oo ka codsaday madaxweyne Erdogan inuu la kulan-siiyo Xasan Sheekh, si loo soo afaro xiisadda taagan ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu horraantii sanadkan la galay maamulka Somaliland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu kasoo dabcay sidii hore, isla-markaana uu muujinayo rabitaan ku saabsan in uu ka tanaasulo damacisii ku aadanaa heshiiskii muranka dhaliyay ee badda, kaas oo ay ka hortimid dowladda federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna hadda ku sugan Ankara ayaa lagu warramayaa in uu weli ku taagan yahay go’aankiisii hore ee ahaa in Itoobiya ay marka hore ka laabato heshiiska oo xad-gudub ku ah madax-bannaanida  dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka loo ballansan yahay ayaa marka hore ku billaaban doono qaab u-kala-dabqaadis ah oo ay madaxda labada dal si gooni-gooni ah ula kulmayaan Madaxweynaha Turkiga o isna u gogolxaari doona isku-soo-dhawaashaha Muqdisho iyo Addis Ababa.

Dabaca uu muujinayo Abiy Axmed ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu soo dedejiyay go’aanka ay dhowaan dowladda Soomaaliya ku gaartay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan, isla markaana laga reebo howlgalka cusub ee ka bilaabanaya gudaha Soomaaliua.

Kulankan lagu wado inuu ka dhaco Ankara Arbacada maanta ah ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay labada masuul yeeshaan, tan iyo markii Itoobiya ay cadeysayay damaceeda oo heshiiskii badda ay la gashay Muuse Biixi 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan.

Heshiiskaas ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay ku tilmaantay mid sharci darro ah oo ku xad gudbaya madax-banaanideeda, qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa sii xumaanayay muranka labada waddan ka dhaxeeya, kulanka maanta dhacaya ayaa noqonaya kii 3 oo ay yeeshaan labada dhinac.