Abuurkii federaal ee Somalia maxaa ka dhashay?

Tobankii sano ee la soo dhaafay, dadka Soomaaliyeed waxay si weyn uga doodayeen arrinta la xiriirta in xukunka lagu baahiyo gobollada iyo degmooyinka, hadaba baahintaasi waxaa ay keentay kala tag, caro iyo cuqdad dadkii wada deganaa ay isku qaadan, taasi oo ay tusaale u tahay arrinta hada u dhaxeysa Galmudug iyo Puntland mida Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, Jubbaland, Koofur Galbeed.

Soomaaliya ma ahan dal dadyow kala dhaqan ah ay ku nool yihiin, ayna ka jiraan is-diidmo daran oo dhaqan ama diimeed; mana aha deegaan ay ku nool yihiin qoomiyado aad u kala tagsan kuwaas oo baahi weyn u qaba in ay ka soocnaadaan qoomiyadaha kale, sidaas darteedna waxaa muuqata oo aan la dhayalsan karin in federaalku uusan aheyn nidaam ku habbboon Soomaaliya, taasi oo ay marqaati u tahay in ay sameysmayaan maamul goboleedyo deegaanno qabaa’il ku dhisan.

Hadaba sameyska deegaanno qabaa’ilka sameysmay iyo kuwa wali dhiman waxay ku tisineysaa in ay keeneen hakad iyo dib-u-dhac ku imaaday midnimadii qaran iyo isdhex galkii bulshada, waxayna noqotay daruur mugdi ah oo ka dul curatay Soomaalinimada, oo haddii xaalku sidaan sii ahaado, la hubo in ay dabaysha raaci doonto.

Waxaan la sheekeystay dadbadan oo u ololeynaya hirgelinta nidaamkan, markii aan weydiyay ujeedka gaarka ah ee ay ka leeyihiin waxay badan kood ii sheegay in ay tahay in Qabiilkoodu uu yeesho maamulo badan si aysan reeraha la xifaaltama aysan kaga maamul badnaanin.

Wadajirkii Awoodii dharanka Soomaaliya ayaa sii wiiqmeysa, tan iyo markii ay xoogeystay in nidaamkaan Federalka dalka dhan la gaarsiiyo, waxaa dhacday in dowladda Dhexe oo difaaceysa dalka qeyb kamid ah oo cadow soo hujuumay, in mid kamid ah maamul goboleed yada dalka ka jira uu si cad oo aan ka leex leexad la heyn uu ula soo saftay cadawgii laga celinayey dalka, iyadoona danta maamulkaasi kala tagaasi u sameynaya ay tahay in uu muujiyo in dowladda dhexe in uu isagu ka awood badan uuna taageero dibada ah ku helo dhacaas dalka loogeysanayo.

Heerka madaxtinimo jaceylka ayaa sare u kacay, taasi waxay keentay in shaqsi kastaa oo madaxtinimo raadinayo uu sameeyo waxyaabo qaranka dhaawacaya balse isagu uu ku qancinayo dowladdo iyo Shaqsiyaad shisheeye ah si ay ugu taageeran in uu xilkaasi helo iyaguna ay dantooda ka fushadaan, sanado ka hor waxaa soomaalida ceeb u taqanay cadawga dalka in garab la siiyo, balse waxaa soo batay in lagu faano in cadawgii dalka in garab laga heysto.

Gunaanadkii talada ka qoraa ahaan aan soo jeedinayo waa in nidaamka federalka ee dalku qaatay qaab loogu shaqeynayo wax laga badalaa oo la shaaciya nuuca federal ee la qaatay ama la hakiyaa system-kaan si KMG ah inta dalka dowladda awood leh uu ka helayo, oo isku filan oo iska difaaci karta cadawgeeda.

W/Q: Mohamed Abdullahi Hassan (Ciideey)

Email: Maxamedciidey@gmail.com