Addis-Ababa: GAAS iyo Shariifka oo ku heshiiyey qorshe ka dhan ah DF

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas iyo kan maaulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulan xasaasi ku yeeshay magaalada Addis-Abbaba ee Dalka Itoobiya, sida ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Kulanka ayaa looga hadlay qiimaynta xaalada Dalku Soomaaliya uu marayo, xiriirka Maamul Goboleedyada iyo Dawlada Federaalka ah iyo mooshinka la rabo in laga keeno madaxweynaha Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay, labada masuul ayaa hoosta is kala xariiqay in aysan la shaqeyn karin xukuumadda hadda jirta oo marar badan khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay, uguna dambeeyey khilaafkii ka dhashay xiisadda khaliijka.

Labada masuul ayaa isku raacay in ay taageeraan is isbeddel lagu sameeyo hogaanka dalka, inkasta oo aan la ogeyn qaabka ay u marayaan.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegeen inay Gaas uu doonayo in uu madaxweye noqdo isagoo ku adkaystay in Beesha Daarood loo daayo dhamaystirka mudadda harsan ee xilka Madaxeynenimo.

Shariif Xasan ayaa dhiniciisa balan qaaday in uu fikirkan ka dhaadhicinayo hoggaanka iyo siyaasiyiinta Hawiye ee miisaanka leh.

Labada nin ayaa maanta u kicitimaya Dalka Imaaraadka Carabta si ay qorshahaas iskula soo meel dhigaan.

Gaas oo maalmihii dhowaa uu shaki ku jiray kursigiisa Puntland ayna u eg tahay inuusan soo laaban doonan ayaa hadda damcaya hoggaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com