Waxay ahayd 65 jir laga ceyriyey ciidanka, balse xalay ayaa gurigeeda loogu tagay, kadibna?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa deegaanka Garas Baaleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho waxay xalay ku dileen Haweeney horay uga tirsaneyd Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Haweeneydaan oo lagu Magacaabi jiray Siteey Maxamed Aadan, Da’deedana lagu shegay 65 Sano jir ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in Gurigeeda loogu tegay.

Sidoo kale qof ka mid ah dadka deegaanka oo diiday in Codkiisa iyo Magaciisa Warbaahinta loo adeegsado ayaa faah faahiyay sida ay wax uga dhaceyn.

“Anagoo oo Xaafada Garas Baaley joogno ayaan maqalnay rasaas, markii aan kala cararnayna waxaa naloo sheegay in Maama Siteey la dilay, dadkii dilayna ay baxsadeen, runtii manaqaano waxa ay ahayeen dadkii dilay waana argagaxnay” ayuu yiri goobjoogaha. 

Dhanka kale waxaa xiriir la sameynay Maamulka deegaanka Garas Baaley si aan xogo dheerad ah uga helno balse kama jawaabin taleefoonadeena.

Dilalka noocaan oo kale ah ayaa horay uga dhacay dalka, waxaana Haweeneydaan la sheegay in ay ka mid aheyd Haweenkii horay looga ruqseeyay Ciidanka xiligii Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaaminayay, kadibna ay kusoo dhacday mele cidlo ah oo aysan nafteeda ku diufaaci karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com