Adeeg muhiim ah oo dib loogu soo celiyay deegaanadii laga saaray Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii Al-Shabaab laga saaray deegaano badan oo muhiim ah waxaa socday dadaalo dib loogu soo celinayo adeegyadii muhiimka ahaa ee meesha ay ka saartay kooxda.

Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Galmudug xildhibaan Muxuyadiin Suni oo la hadlay VOA ayaa xaqiijiyay in adeega internet-ka dib loogu soo celiyay deegaano kamid ah dhulkii lagala wareegay Shabaab, kuwaasi oo ay kamid tahay degmada Ceeldheer iyo deegaanada hoostaga.

Kooxda ayaa inta badan jarta adeegyada wicitaan iyo internet-ka ee deegaanada ay faarujineyso, maadama aysan iska caabin xoogan kala hortagi karin howl-galada culus ee ciidamada huwanta.

“Deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta si tartiib tartiib ah ayay ugu soo noqonayaan adeegyadii aas-aasiga ahaa sida; biyaha, isgaarsiinta, caafimaadka iyo waxbarashada,” ayuu yiri wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Galmudug.

“Dadkii waa soo noqdeen inta duurka jirtana waxa rajeynaynaa inay soo noqdaan, dowladooda waa ku kalsoon yihiin shacabka. Dadka deegaanka iyaga ayaa abaabulan oo ku jira dagaalka Khawaarijta oo iskood u dhibsaday inay iska qaadan cadowga.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in horumarkii ay Al-Shabaab dhowr iyo toban sanno ka hortaagneyd degmooyinkaas, ee kula tartami lahaayeen deegaanada dhigooda ah ay dib ugu soo celin doonaan si dhameystiran.

“Degmada Ceeldheer adeega internet-ka waa shaqeynaya hadda, degmada Xarardheere waa la dhameeyay howsheeda oo hadda wixii ka dambeeya waa lasii deynaya. Deegaanadaas aad iyo aad ayay ugu dhib qabeen adeega isgaarsiinta internet-ka, nimanka cadowga ah waxyaabaha horumarka ah ee dadka kala dirireen ayay kamid tahay.”

“Degmooyinka, deegaanada iyo tuulooyinka inta dhiman waa gaarsiineyna kuwa aan xoreysneyna marka la xoreeyo hore ayaa looga sii deynaya oo waxay kamid yihiin horumarka degmooyinka kale kula tartamayaan.”

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka