Maxaa dhacay kadib amarkii uu R/W Xamza kusoo rogay shaqaalaha rayidka ee DF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa shalay kulan lagu dardargelinayo howlaha xukuumadda la yeeshay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha.

Xamza ayaa waxa uu agaasimayaasha ka dhageystay warbixinno la xariira isbeddelka shaqo ee yimid, kadib kulankii 24-kii December 2022 uu la yeeshay.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshayaal muhiim u ah howl-qabadka dowladda iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada ay dowladdu gaarsiiso shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha oo horey u faray agaasimayaasha guud in ay wasaaradahooda ka dhaqan-geliyaan isla xisaabtan dadka aan shaqeysan ee haddana mushaarka ka qaata dowladda, ayaa waxa guddiga shaqaalaha rayidka ah soo bandhigeen in afartii toddobaad ee la soo dhaafay ay 26% korortay shaqaalaha shaqada u soo xaadira wixii ka danbeeyey khudbaddii uu Xamza amarka ku bixiyay bishii December.

Xamse ayaa mar kale ku adkeeyay agaasimayaasha inay ka shaqeeyaan isla shaqeynta iyo isku xirka hawlaha ka dhaxeeya wasaarradaha iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyey natiijooyinka ka dhashay kulamadii hore, isaga oo mar kale ku celiyey in aan la aqbali karin shaqaale qaata mushaar oo aan imaanayn goobtiisa shaqada.

Wuxuu kula dardaarmay guddiyada ku shaqada leh in ay dardar-geliyaan isla xisaabtanka, si meesha looga saaro dadka cudur-daar la’aanta aan xaadirka ku ahayn shaqada.