Xiriirka Xasan iyo Mareykanka oo sii xoogeysanaya iyo dalab cusub oo uu hordhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka ayaa sii xoogeysanaya, siiba madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligaan helaya taageerada iyo garab istaaga Washington dagaalka uu kula jiro kooxda Al-Shabaab.

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaartay danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobey Linda Thomas-Greenfield, ayada oo shalay la kulantay madaxweyne Xaasn Sheekh.

Linda ayaa isla shalay ku dhawaaqday in Mareykanka uu bixinayo lacag ka badan 41 milyan oo doollar oo dheeraad ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka abaaruhu saameeyeen.

“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya waa mid aad u xun,” ayay tiri danjire Thomas-Greenfield mar ay khudbad ka jeedinaysay Muqdisho. “Isku darka xiisadda cimilada; dhibaatada gudbinta saadka ee uu kiciyay COVID; iyo colaadaha – sida midda Al-Shabaab, ayaa eraygaas naxdinta leh ee -macluul- dib ugu soo celiyey Soomaaliya,” ayay raacisay.

“Macaluushu waa fashilka ugu dambeeya ee beesha caalamka. Dadkuna waa inaysan marnaba gaajo u dhiman. Waan diiday inaan aqbalo guul-darradaas.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hordhigay Linda dalab la xiriira inay gacan ka siiyaan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraada hubka ee saaran.

Waxa uu sheegay in cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay dib-u-dhiska ciidamada iyo dadajinta dabar-goynta argagixisada, xilli uu dalka socda dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa xilligaan ka qeyb qaata duqeynta Al-Shabaab oo dagaal culus lagula jiro, wuxuuna dhawaan ciidamada DANAB ee uu tababaray soo gaarsiiyay saanad iyo hub lagu qiimeeyay illaa 7 milyan oo dollar.

Washington ayaa si weyn u kordhisay taageerada millateri iyo gargaar ee uu siiyo Soomaaliya, wuxuuna illaa billowgii sanadkii hore ugu deeqay lacag dhan 1.3 bilyan oo dollar oo gargaar ah.