Sawirro: Gen. Odowaa oo la kulmay dhiggiisa KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Kenya, Robert Kariuki oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Labada taliye ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horreyso dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo saameyn ku leh labada dal ee Somaliya iyo Kenya.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac, si ay u yeeshaan xiriir toos ah oo wada-shaqeeneed.

Taliyaha milatariga Kenya General Robert Kariuki oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn dhiggiisa Soomaaliya ku boggaadiyay guulaha ay ka gaareen dagaalka Shabaab, wuxuuna intaasi ku daray in ciidankooda qeybta ka ah ATMIS ay door ka qaadan doonaan dagaalka.

Dhiniciisa General Odawaa Yuusuf Raage ayaa uga mahad-celiyay dowladda Kenya doorka ay ka qaadaneyso howlgallada Al-Shabaab looga xoreynayo dalka, wuxuuna sheegay inay sii wadayaan iskaashiga ay leeyihiin, maadaama Shabaab ay halis ku tahay labada waddan.

Kulankan ayaa yimid, kadib markii ay labada taliye si wadajir ah uga qayb-galeen shirka dowladda federaalka iyo dalalka dariska oo maanta ka furmay Muqdisho, kaas oo lagu gorfeeyey wada shaqeynta ciidamada dalalka Soomaaliya, Kenya, Djibouti iyo Ethiopia.

‘Qaybta taliyeyaasha waxaa diiradda lagu saarayey wada shaqeynta iyo iskaashiga iyo in la dajiyo istaraatiijiyd mid ah oo ay leeyihiin ciidamada dalalka safka hore,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys oo maanta la hadlay Wariyeyaasha.

Waxaa sidoo kale dowladda federaalka iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay si hoos iskula eegi doonaan in si wadajir ah looga hortago khatarka Al-Shabaab, maadaama ay haatan culeys soo saartay caasimada Muqdisho, kadib markii lagu soo jabiyay gobollada.

Si kastaba, Kenya ayaa qayb ka ah dalalka la dagaalama Al-Shabaab oo dalkeeda weeraro ka fuliso, waxayna haatan ciidamadeeda joogaan deegaanada Jubbaland.