‘Adeegsiga’ ciidamada Itoobiya’ ee madaxweyne Farmaajo oo laga hor-yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa aad u dhaliilay adeegsiga madaxweyne Farmaajo ee ciidamada Itoobiya, kadib markii maanta ay ciidamo Itoobiyaan ah gaareen magaalada Dhuusomareeb.

Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Madaxweyne Farmaajo ciidan kan Itoobiya ayuu u jecel yahey adeegsigiisa, dal loo safrana Itoobiya ayuu u jecel yahey, sanadkaan kaliya in ka badan 5 jeer ayuu isaga daba noqdey, gobolada dalka uu madaxda ka yahey goor ugu danbeysay booqashadooda lama garanayo, marka laga reebo Beledweyne oo uu ku sugnaa 2 saacadood oo lugaha biyihii fatahaadda uu soo galiyey.”

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ah ee DhuusoMareeb la geeyey “ay daliil cad u tahay sida uu [Farmaajo] dalkiisa iyo dadkiisa ugu loogayo ciidamada dal kale ogolaanshihiisa in ay ku qabsadaan magaalooyin Soomaaliyeed.”

Madaxwweyne Farmaajo ayaa horey ciidamada Itoobiya ugu adeegsaday doorashadii Koonfur Galbeed ee Baydhaba. Wuxuu sidoo kale isku dayay inuuu adeegsado Jubaland, balse waxaa ka hortagay Axmed Madoobe.

Fiqi ayaa sheegay inaysan jirin baahi loo qabo in ciidamada Itoobiya la geeyo Dhuusomareeb.

“Farmaajo cidna lagama aqbali doono dalkaan inuu ciidan iyo lacag shisheeye si jajuub ugu qabsado asagoo ay cadaatay in wadaniyadiisii halku-dhigyada aheyd ay kashifantey, cid kasta oo wadaniyad iyo erayo wanaagsan ku taageertayna ay arkayaan maanta in madaxweyne Farmaajo la soo baxey dhaqankii qabqablayaashii dagaalka oo kale oo mar walba dalka u soo horkici jirey ciidamo Itoobiyaan ah.”

Ka hor inta aan bishii Febraayo eee sanaddii 2017 loo dooran madaxweynaha Soomaaliya, Farmaajo waxa uu ahaa siyaasi Soomaalida ka gaday inuu neceb yahay shisheeyaha, gaar ahaan Itoobiya.

Waxa uu marar badan wareysi uu bixiyey ku sheegay in Itoobiya ay tahay cadowga koowaad ee Soomaaliya, islamarkaana aysan ahayn in marna ciidankooda ay joogaan Soomaaliya.

Si kastaba, markii uu xukunka qabtay kadib, dhammaan mowqifyadiisii hore waa ay is-beddelaan. Waxa uu dowladda Itoobiya u gacan geliyey Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax oo ahaa halgamaa Soomaaliyeed. Waxa uu aqbalay joogitaanka ciidamada Itoobiya, oo uu billaabay inuu dano siyaasadeed u adeegsado, waxaana kadib uu Itoobiya ka dhigtay isbahaysi.