Madasha Xsibiyada Qaran oo qoraal culus u dirtay R/W Abiy Ahmed (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa qoraal ay u direen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed waxay walaac uga muujiyeen faro-gelinta rabshadaha wadata ee ay ciidamada Itoobiya ku hayaan siyaasadda gudaha Soomaaliya.

Madasha ayaa xusay xarigii 6-dii November ay ciidamada Itoobiya kula kaceen saddex guddoomiye degmo oo ka mid ah kuwa Gedo, kuwaas oo la sii daayey kadib markii lagu qasbay inay kasoo horjeestaan maamulkooda Jubaland.

Madasha ayaa sidoo kale ku eedeysay ciidamada Itoobiya inay 19-kii bishan is hortaageen in madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan uu galo degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Waxaa dhacdooyinkaas kasii horeeyey, sida qoraalka lagu yiri, isku daygii laga hortagay ay ciidamada Itoobiya ku doonayeen inay Kismaayo ku galaan 19-kii August, si ay u faro-geliyaan doorashadii Jubaland, una xqiijiyaan in musharax horey loo qorsheeyey uu ku guulaysto.

Madasha Xisbiyada ayaa sidoo kale ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay afduubteen doorashadii Koonfur Galbeed ee bishii December 2018, taasi oo dhalisay in dad shacab ah lagu xasuuqo Baydhaba.

“Xilliga aan qoreyno warqaddan waxaa ciidamo aad u qalabeysan oo ah Itoobiyaan aan ka mid ahayn Amisom la geeyey magaalada Dhuusomareeb, si loo faro-geliyo doorashada soo socota loona xaqiijiyo guusha musharax horey loo go’aamiyey,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha Xisbiyada.

Dhamaan dahcdooyinka kor ku xusan, ayay Madashu sheegtay, inay xadgudub ku yihiin xeerarka caalamiga iyo heshiiska nabad ilaalinta dalka.

Madasha xisbiyada ayaa ugu baaqay Abiy Ahmed inuu dareen u yeesho dhacdooyinkan islamarkaana uu wax uga qabto si deg deg ah, oo ka aragti bixineysa Itoobiyada cusub.

Qoraalka oo English ku qoran hoos ka aqriso