Adhicadeeye Ilaa iyo God-qaboobe:  Kadib hadalkii Saciid Deni, Somaliland ma ku xijin doontaa Garoowe?

Wax ka yar 72 saacadood ayuu Madaxweyne cusub ee Puntland  Saciid Cabdullahi Deni isaga oo aan xilka hayn waxa uu ka hadlay collaada u dhexeysa maamulkiisa iyo Somaliland.

Deni waxa uu sheegay in muran dhuleed u dhexeeya Puntland iyo Somaliland jirin balse Hargeysa soo xadgudubtay, waxa uu ugu baaqay in ay ka laabtaan dhulkaas ama uu waqtiga celin doono (Hanjabaad).

Waxaa durbadiiba ka falceliyey wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Xawar (Warsangeli, Harti, Daarood) oo sheegay in hadalka Deni ahaa mid aan wax manco ah ku fadhiyin isaga tilmaamay in Puntland ISIR doon tahay ay marka hore beelaha daga Soomaali Galbeed iyo NFD Kenya maamulkooda ku soo daraan kahor inta aysan ka hadlin Sool, Sanaag, qeyo ka mid ah Bari iyo Cayn.

Waxaa isna dhiciisa si adag ugu jawaabay Madaxweynaha Puntland, Wasiirka Biyaha ee Somaliland Saleebaan Koore (Nuur Axmed, Dhulbahante, Harti, Daarood) oo waliba ka soo jeeda degmada Taleex.

Saleebaan Cali Koore waxa uu hoosta ka xariiqay in Dhulbahante inta wax garadka ah u cadaatay doorashadii Dr. Cali Ciise lagu bahdilay ee Puntland caddeysay in reer leeyahay maamulkaas ee uu Deni iska hadlay.

Hadaba, hadaladaas ka soo yeeray siyaasiyiinta xilalka waa weyn ka haya Somaliland ee Harti iyo Madaxweynaha xilka ku cusub yahay ee Puntland maxay noqon kartaa natiijada ka dhalan karta?

Marka hore aan eego sooyaalka loolanka gobolada Somailand ee ay ku muranto Puntland sida uu ahaa laga soo bilaabo markii uu Cabdullahi Yusuf (AHN) dhisay maamulkaas.

Puntland waxaa markii hore lagu dhisay nidaam qabali ah oo la’isugu keenay beelaha dega Waqooyiga Mudug, Nugaal, Sool, Sanaag Bari iyo Bari.

Hase ahaatee, beelaha daga Sool, Sanaag iyo Cayn waxa ay wax ka dhisteen markii hore Somaliland kahor inta aysan ku kala tagin aragtida gooni u goosadka iyo saami qeybsiga oo ay tabasho badan ka jirto, taas oo wali taagan. Taas waxa ay kuu cadeyneysaa in labada dhinacba wada joogeen deegaankaas wallow ay mar walba ku awood badneyd Somaliland.

Kahor inta uusan Cabdullaahi Yuusuf soo aadin Nairobi iyo shirkii lagu dhisay dowladdii KGM ahayd ee uu madaxda ka noqday, Daahir Rayaale Kaahin ayaa soo booqday Laascaanood balse dagaal arrintaas ka dhashay ayey Puntland kula wareegtay gacan ku haynta Laascaanood oo ay u suurtagaliyeen maleeshiyo beeleed deegaanka ah maadama xilligaas ciidan dhisan maamulka Garowe uusan lahayn.

Yeelkeede, muddo kaddib ciidankii Somaliland waxa ay qabsadeen Adhicadeeye oo dulleedka Waqooyi Laascaanood uga began halka ay muddo kaddib, 2007 toos Cadde Muuse ugala wareegeen Laascaanood.

Waxaa ol’olihiisa doorashada ku soo galay 2009 Faroole oo bedelay Cadde Muuse (2009) balse isa waxaa laga qabsaday Kambadha oo dhinaca Koonfureed Laascaano uga began ahaydna Kastam-ka ugu weyn ee Puntland.

Sidaas oo kale, Cabdiweli Cali Gaas ayaa ku ol’oleeyey Laascaanood “Faatixo laguma qabsan, Faatixo laguma soo celinayo!” balse isna waxaa laga qabsaday Tukaraq ilaa iyo God-qaboobe oo Garowe meel dhawaqu gaaro u jirta.

Madaxweynaha hadda xilka ku cusub wallow uusan si weyn ugu ol’oleyn soo celinta Laascaanood!! Hadana waresigii BBC-da waxa uu dhaliyey xiisad collaadeed maadama labada ciidan isku horfadhiyaan meel aan Garowe, caasimadda wax badan ka fogeyn.

MAXAA XIGA?

Walow aysan muuqan saan saan colaadeed hadana hadalkii Deni waxa uu ka carreysiiyey Somaliland taas oo keeneysa in hubanti la’aan dhacdo.

Sida ilo xog ogaal ah ay ii sheegeen waxaa dhici karta in Somaliland oo manta haysata taageerada shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn ku dhiiran karto in ay yimaadaan YOOCADA oo ah halka kala qeybisa British Somaliland Protectorate iyo Italian Somaliland.

Haddii ay taas dhaco oo ay soo ruqaansadaan ciidaamada Somaliland waxaa qabsab noqon doonta in caasimadda Puntland laga raro Garowe oo la geeyo Qardho maadama furin colaadeed noqon doonto Garowe.

Waxaa sidoo kale suurtagal ah in Somaliland kahor takto collaad ka dhacda degmada Taleex, taas oo la hubo in ay dhici doonto haddii uu booqdo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash.

Puntland hore xasuuq ayey uga geysatay Taleex taas oo iska horkeentay laba beelood oo wada daga kana wada tirsan Nuur Axmed kaddib booqasho uu ka tagay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire.

Collaadaas waxaa dhawaan laga gaaray heshiis balse haddii aan laga  feejignaan waxaa suuratgal ah in ay soo laabato, waa haddii uu booqdo Axmed Karaash.

W/Q: Guuleed Baashe Axmed
Hargeysa, Somaliland 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid