Buubaa oo sheegay wixii ay Somaliland ka fileysay Deni iyo waxa laga rabo

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya xiligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa fariin u diray madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Ismaaciil Hurre Buubaa oo hadda ku sugan Somaliland, ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni looga baahan yahay inuu la yimaado qorshe cusub oo uu kaga duwanaan karo madaxdii soo martay Puntland.

Mr Buubaa, ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Puntland Mr Deni laga doonayo in qaab wadahadal ah uu u wajaho dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, islamarkaana uusan dagaal u horseedin shacabka.

Wuxuu sheegay in waxa ugu horeeyo ee ay ka filayaan madaxweyne Deni inay tahay dhameynta xiisadda Puntland islamarkaana ay sugayaan inuu xooga saaro qurxinta waxyaabaha ay ku dheeleen madaxdii ka horeysay.

“Dhinaca Somaliland ha noqoto ama Puntland ha noqoto, waxaan ka fileynaa madaxweynaha cusub inuu kasoo bixi doono doorka laga doonayo oo uu wanaajiyo cilaaqaadka u dhaxeeyo labada Puntland”ayuu yiri

Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntlana iyo Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore dagaalo xoogan uu ku dhexmaray Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,kuwaasi oo sababay Khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray .

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com