Abwaan gabay ka tiriyey saldhigyada laga doonayo Somaliland oo la xabisay

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka ee Somaliland ayaa xabsiga dhigay mid kamid ah abwaanada deegaanada Somaliland oo gabay ku cabiray xaaladdaha Somaliland iyo saldhigyada dalalka caalamka doonayaa inay halkaasi ka furtaan.

Ciidamada ayaa xabisga dhigay Abwaan C/raxmaan Abees oo kamid ah abwaanada ku sugan magaalada Hargeysa, waxaana gabay dhinacyo badan taabanaya uu si weyn kaga hadlay xaalada saldhigyada Somaliland.

Abwaan Xasan Daahir Weedhsame ayaa ka hadlay xariga abwaan Abees, wuxuuna sheegay in xarigiisa uu yahay mid ka hor imaanaya dastuurka Somaliland, maadaama uu muwaadinka xaq u leeyahay inuu ka hadlo xaalada Somaliland.

Abwaan Weedhsame ayaa sheegay in ciidamada ay Abwaanka xireen xilli uu kusugnaa Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa halkaasi oo uu gabayo kusoo bandhigayay, waxaana gabayadiisa kamid ah mid uu kaga hadlay saldhigyada Somaliland iyo xaaladaha adag ee ka jira.

Sidoo kale Abwaanka ayaa sheegay in madaxda Somaliland laga doonayay inay qaataan dhaliilaha loo sheegay kadibna ay saxaan, balse ay ku badaleen inay xeraan dadkii u sheegay dhaliilaha iyo halka ay wax ka qaldan yihiin.

Abwaanka la xiray ayaa xooga ku saaray gabaygiisa xaaladaha dhibaatada ah ee ka jira saldhigyada magaalada Hargeysa iyo kuwa gayiga Somaliland, isaga oo sheegay in dadka lagu dhibaateeyo.

Ugu dambeyn Abwaan Weedhsame ayaa sheegay in saldhigyada Somaliland ay kajiraan waxyaabaha uu abwaanka ka sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com