Dab geystay Khasaaro oo ka kacay Suuqa B/Xaawo

Beledxaawo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaaro xoogan geystay oo ka kacay Suuq ku yaala degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaasi oo saacado kadib la damiyay.

Masuuliyiinta maamulka degmada, guddiga Ganacsatada iyo odayaasha degmada ayaa shaaciyay in dabka oo xalay kacay uu khasaaro badan u geystay ganacsatada ku sugan degmada Beledxaawo.

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada degmada Beledxaawo Bashiir Nuur ayaa sheegay in dukaamo badan ay ku gubteen dabkii xalay ka kacay suuqa, isaga oo sheegay in khasaaro uu geystay.

Guddoomiye Bashiir ayaa sheegay in 23 Dukaan, bakiinado Shiida Saliida Macsarada iyo goobo kale oo ganacsi ay ku basbeeleen dabka ka kacay suuqa Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Guddoomiyaha ganacsatada ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Beledxaawo inay wax u qabtaan dadka ku hanti beelay dabka kacay Suuqa degmadaasi.

Xiliyadan oo kale suuqyada Soomaaliyeed ee ku yaala gudaha dalka ayaa waxaa ka kaca dab, waxaana meelaha ugu badan ee dababka ka kaceen kamid ah Boosaaso, Beledxaawo iyo magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
Caasimada@live.com