Afar arrimood oo la xiriira khilaafka cusub ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa safiirka u fadhiya Kenya lagu amray inuu Muqdisho ka soo noqdo halka midkii Kenyana lagu wargeliyay inuu Nairobi aado.

Wasaaradda waxa ay sheegtay in tallaabadan ay timid kaddib “faro-gelin qaawan oo Kenya ay ku hayso arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan maamul gobleedka Jubbaland.”

Maxaa khilaafkan cusub keenay?

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cali Nuur, oo bayaanka ka akhrinayay warbaahinta dowladda ayaa go’aankooda ku sababeey faragelin uu sheegay in ay kaga imanaysay Kenya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa u muuqatay in dowladda Kenya ay si bareer ah u faragelinayso umuuraha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku haysa, madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladaynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ku gaareen Muqdisho 17-kii Sibteembar 2020,” ayuu yiri.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau, oo arrintaas ka hadlayay wuxuu wargeyska Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi u sheegay in xukuumadda Kenya ay ka xuntahay go’aanka Soomaaliya ay ugu yeeratay safiirkeeda, waxa uuna ballan qaaday in labada dal ay arrintan si diblomaasiyad ku saleysan uga wada xaajoon doonaan.

Wuxuu tilmaamay inay jawaab rasmi ah ka soo saari doonaan warka Soomaaliya ay soo saartay “iyagoo maraya wadiiqooyinka ku haboon.”

Dhankiisa-se xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cali Nuur, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan “marnaba aqbali doonin fal waliba oo qaranimadeeda iyo amnigeeda dhaawacaya.”

“Dhaqamada Kenya waa kuwo ka baxsan curfiga diblumaasiyadeed ee dalal ay ka dhaxayso dano iyo darisnimo, waana dhaqan ka baxsan dhammaan axdiyada iyo heshiisyada diblumaasiyadeed ee caalamiga ah.

“Sidaas daraadeed dowladda Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto in la soo farageliyo ama lagu dhaqaaqo falkasta oo wax u dhimaya madaxbannaanida iyo deganaanshiyaha dalkeenna,” ayuu yiri.

Safiirrada dib loogu yeertay maxay ka dhigan yihiin?

Qaar ka mid ah dadka falanqeeya siyaasadda ayaa ku doodaya in safiirrada dib ugu laabanaya caasimadaha labada dal ay astaan u tahay in labada dhinac ay qaab kale isku afgaran waayeen.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo BBC Somali la hadlayay ayaa sheegay: “Labada dowladood oo daris ah oo safiirrada isu soo celiya waxa ay tilmaamaysaa xiriirka diblumaasiyadeed oo meel adag galay, oo si kale la isku afgaran waayay, marka waxaan isleeyahay wax wayn ayaa la isku hayaa.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kenya ay madaxweynaha Jubaland ku “cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed” taas oo ay ku sheegtay “carqaladaynta” heshiiskii siyaasadeed ee Muqdisho kal hore lagu gaaray ee doorashada Soomaaliya.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo aan eedahaas uga hadlay sida ay latahay ayaa sheegay: “Eedaymahaas la sheegayaa Kenya oo qura kuma saabsanee wadammo fara badan ayaa Soomaaliya soo faragelinaya, waxay u soo faragelinayaan in ay ka shaqeystaan si ay uga soo baxdo meeshaasi cidda ay iyagu rabaan.”

Wuxuu sheegay in hal qaab oo ay Soomaalida uga faraxalan karaan faragelinta wuxuu yiri: “Sida keli ah ee Soomaali ay isaga celin kartaa faragelintaas shisheeye ee doorashadeeda ama dalkeeda ku saabsan waxa weeye in la kasbado dadkaaga haddaad tahay dowladda Soomaalida.”

Saameynta arrintan ka dhalan karta maxay tahay?

Labadan dal ee dariska ah waxay wadaagaan dano muhiim ah iyadoo Kenya ay ku nool yihiin muwaadiniin badan oo Somaali ah kuwaas oo ka gaacsada amaba ku nool gudaha Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

Waxaa kaloo jira qaxooti boqollaal kun oo Soomaali ah oo ku nool xeryaha Dhaadhaab iyo Kakuma kuwaas oo ay dowladda Kenya gacan u fidisay ka dib dagaalkii sokeeye ee ka qarxay Soomaaliya sannadkii 1991.

Haddaba tallaabadan ugu dambaysay maxay horseedi kartaa?

Waxaynu su’aashaas waydiinnay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ku dooday in “wax badan ay arrintaas kharibi karto”.

“Laba waddan ma ahan kuwa kala maarmi kara, oo jaarku ma kala maarmo ama isjeclaada ama isnecbaada Ilaahay baa iskiin baday, lamana kala kuuri karayo,” ayuu u sheegay BBC News Somali

Goormuu khilaafkan soo xoogaystay?

Xiriirka labada dal ayaa heerkii ugu xumaa gaaray sannadkii la soo dhaafay, kaddib markii uu soo cusboonaaday muranka la xiriira lahaanshaha qeybo ka mid ah xadka dhinaca badda, halkaas oo la sheegay inuu ku jiro kheyraad dabiici ah oo qiimo badan leh.

Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2015-kii ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda ee Adduunka ee ICJ, dacwad ka dhan ah Kenya.

Dacwadaasi ayaa weli hortaalla ICJ, waxaana garsoorayaasha ay oggolaadeen in maxkamaddu ay dhageysan karto dacwadda la xiriirta arrintan, in kastoo Kenya ay marwalba dooneysay in arrintan lagu dhameeyo qaab is-fahan ah oo bannaanka ka ah maxkamadda.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa horraaantii sannadkan hakisay duullimaadyada rakaabka iyo jaadka Kenya taas oo qeyb ka ahayd tallaabooyinka lagu xakameynayay fafitaanka fayraska Korona.

Balse dowladda Soomaaliya dib ayey u furtay duullimaadyada, haddana jaadka weli waxaan saaran xiyaraad.

Kenya waxay maalin walba Soomaaliya u dhoofin jirtay jaad loo iib geeyo magaalooyinka kala duwan ee dalka.

Sida uu sheegay wargeyska The Foreign Policy, 15 diyaaradood oo jaad wadda ayaa maalin walba ka degi jirtay magaalooyin badan oo Soomaaliya ah, waxaana ganacasatada Kenya sannadkiiba la sheegay in ay ka soo galeysay lacag gaareysa $144 milyan oo doollar.

Dhanka kale goor sii horraysay ayuu xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau, sheegay in ay jirto arrin in muddo ahba miiska saarneyd oo ah in dal ku-galka loo fududeeyo dadka ka imanaya Soomaaliya.

Arrintan ayaa soo baxday kaddib markii wafdi uu hogaaminayay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya uu dhawaan tagay magaalada Muqdisho, halkaas oo madaxda dhiggooda ah ay kala xaajoodeen arrimo ay ka mid yihiin “xoojinta ganacsiga iyo sidii looga faa’ideysan lahaa fursadaha ganacsi ee labada dal.”