Afar arrin oo xasaasi ah oo horyaalla SHIRKA Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirka Golaha Wadatashiga ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo ay horyaalaan arrimo xasaasi ah.

Dabayaaqadii bishii December ee lasoo dhaafay ayuu ku waqtiyeysnaa shirka, gaar ahaan 27-kii bishaas, hase yeeshee waa uu baaqday sababo aanan si rasmi ah loo sheegin balse la fahmi karay in ay ahaayeen waxyaabo la xiriiray khilaafka u dhaxeeyay madaxda ugu sareysa dowladda federaalka, kaas oo dabcan saamayn ku yeeshay qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.

Inkasta oo ay jiraan qodobbo aanan war saxaafadeedyada lagu qorin, warbaahintana laga sheegin, kuwaas oo mararka qaar u daadagsan hoos illaa iyo kursi qof gaar ah lala doonayo ama loo diidanyahay, ayaan haddane si guud halkan kusoo koobaynaa dhowr qodob oo u badan arrimaha doorashada ayaa hor yaalla shirka, waxaana qaarkood ay u muuqdaan caqabado waaweyn oo la isweydiinayo sida looga gudbi doono.

Kulanka oo ka furmaya Muqdisho waxaa isugu imaanaya Ra’iisul Wasaare Roobole, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, madaxweynaha Galmudug Axmed Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Habraaca Doorashada

Doorashada ayaa u socoto si aanan jadwalaysneyn, waxaana soo badanayay cabashooyinka la xiriira habraaca doorashada .

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka ayaa lasoo gabogabeeyay goor sii horreysay halka Golaha Shacabkana ay wali socoto, inkastoo ay jireen dhaliilo iyo cabashooyin hareeyay hannaanka uu kormeerka ka ahaa Ra’iisul Wasaare Rooble.

Dood badan ayaa ka timid habraaca doorashada kaddib markii kuraasta qaarkood uu ka yimid muran iyo isqabqabsi. Shirkan Golaha wadatashiga Qaran oo sababihii loogu baahday ay ka mid tahay arrintaas lafteeda ayaa la filayaa in xal looga gaaro habraac sax ah oo loo maro doorashada.

Habraaca hadda jira ayaa u muuqda mid maamul kasta uu u fasirtay sidii uu doonayay, islamarkaasna waafajiyay natiijadii uu doonayay in ay doorashada kasoo baxdo, waxaana tusaale weyn ah habka xulista ergada iyo xaqiijinta tartan daah furan oo qof kasta oo danaynaya uu musharax noqon karo, taas oo aanan meelo badan ka dhaqangalin.

Caqabadaha ay tahay in xalka loo helo ee dhinaca habraaca waxaa ka mid ah soo xulista ergooyinka iyo musharraxiinta kuraasta Golaha Shacabka.

Guddiga doorashada ayaa marar badan lagu cambaareeyay in ay hareer mareen habraaca loo dejiyay.

Kaalinta Guddiyada

Guddiyada doorashada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed ayaa tan iyo markii ay doorashada billaabatay u muuqday kuwo aysan howshooda kala caddeyn, islamarkaasna aanan la ogeyn kaalmaha ay kala leeyihiin.

Waxaa aad u muuqatay in guddiyada heer dowlad goboleed ay lahaayeen awoodda inteed badan, iyaguna ahaayeen kuwa go’aanka ka gaaraya natiijada kama dambeysta ah ee kuraasta la doortay.

Guddiyada maamul goboleedyada u qaabilsan doorashada ayaa lagu eedeynayay in ay la wareegeen awoodihii guddiga heer federaal loo igmaday.

Madaxda shirka u fadhiya ayay hadda hor taallaa inay go’aamiyaan kaalmaha guddiyadan iyo inay shaqooyinkooda kala saaraan.

Waxaa kale oo xal u baahan khilaaf waayadii dambe ka jira guddiga doorashada oo sheegay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyahooda, inkastoo isaguna uu sheegay inuu wali shaqeynayo.

Guddiga muranka ugu badan ka taaganyahay waa kan xalinta khilaafaadka oo uu Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ka saaray illaa 11 xubnood.

Sidoo kale shirka ayaa looga fadhiyaa in xal looga gaaro kuraas ka tirsan golaha shacabka oo doorashadooda la isku qabsaday.

Jadwalka

Guddiyada doorashada ayaa tan iyo 27-kii bishii May ee sanadkii hore soo saarayay jadwallo loogu talogalay doorashada oo qabsoomi waayay. Doorashada oo waqti dheer soo jiitameysay ayaa marba caqabad hor leh la kulmeysay.

Tan ayaa ka mid ah howlaha hor yaalla shirka shalay ka furmay magaalada Muqdhisho ee ay beesha caalamka taageertay.

Marka laga soo tago doorashada Golaha shacabka oo ay caqabado badan ragaadiyeen, ilaa hadda lama oga xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha.

Shirka ayay shalay ka qaybgaleyaashu fikrado isku weydaarsan doonaan balse ugu dambeyn waxaa laga rajo qabaa in jadwalka lagu cayimo.

Golahan laftooda ayaa shirkoodii ugu dambeeyay ku sheegay in muddo 60 maalmood ah gudahood lagu soo gabogabeeyo doorashada, taas oo aanan fulin, iyada oo illaa iyo hadda aanan xitaa la dooranin kala bar xildhibaanada baarlamaanka.

Labada Deegaan Doorasho

Heshiiskii September 2020-kii waxaa lagu heshiiyay in doorashada lagu qabto labo deegaan doorasho dowlad goboleed kasta, balse illaa iyo hadda ma jirto hal meel oo ay doorasho ka dhacday oo aanan ahayn caasimadaha dowlad goboleedyada.

Waxaa intaasi kasii daran in inta badan magaalooyinka kaalmaha labaad ku jira ay ka taaganyihiin qalalaaso amni daro ama caqabado kale oo siyaasadeed.

Tusaale magaalada Boosaaso oo loo asteeyay in ay doorashada ka dhacdo ayaa waxaa ka dhacay dagaal ay dad badan ku dhinteen, kuwa kale oo badana ka baro kaceen kadib markii uu dagaal dhex maray ciidamada PSF-ta iyo kuwa Daraawiishka Puntland.

Sidoo kale magaalada Baladweyne ayuu ka socdaa dagaal salka ku haya diidmo la xiriirta maamulka HirShabeelle.

Magaalada Garbahaarey ayaanan weli xal rasmi ah laga gaarin, iyada oo uu ka taliyo maamul aanan hoos tagin kan Jubbaland, islamarkaasna guddigii doorashada qaban lahaa ay ku suganyihiin Kismaayo, qof ka mid ahna uusan tagin Gedo.

Waxaa xusid muddan in shirkii May ee Madasha laisku raacay qodobo lagu xalinayo khilaafka gobolka Gedo, balse wax ka fuley aysan jirin qodobadaas illaa iyo hadda.