Wararkii ugu dambeeyey Shirka Golaha Wadatashiga oo galay maalintii labaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalintii labaad ka socda shirka golaha wadatashiga qaran oo uu shalay daah-furay ra’iisul wasaaraha mudane Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo looga hadlayo doorashooyinka dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa kale oo looga arrisanayaa, sidii xal loogu heli lahaa muranka hareeyey doorashada iyo xiisadda siyaasadeed ee haatan ka taagan dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online doodaha shirka ayaa ah kuwa xoogan, waxaana la filayaa in maanta lagu soo qaado dib ugu laabashada habraacyada doorashooyinka ee horay loo soo saaray iyo sidoo kale arrinta deegaan doorashada oo ah mid xasaasi ah.

Wararka ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada qaar ay u ololeynayaan in lagu soo koobo doorashada hal magaalo, waxaana ololahaas horkacaya Saciid Deni oo xiisad xoogan ay ka heysato Boosaaso. Axmed Madoobe & Guudlaawe ayaa sidoo kale la mid ah.

Sidoo kale waxaa diiradda la saari doonaa inta uu shirka socdo kaalinta guddiyada doorashooyinka iyo sidoo kale soo saarista jadwal cusub oo la xiriira doorashooyinka.

Dhinaca kale waxaa shirka ku biiri doono xubnaha beesha caalamka iyo kuwa midowga musharixiinta, si loo dhageysto talooyinkooda ku aadan caqabadaha haatan taagan.

Xukuumadda Soomaaliya oo iyadu garwadeen ka ah shirkani ayaa rajeyneysa inay guul ku soo dhammaadaan wada-hadallada socda oo ku soo aaday, xilli aad loogu baahnaa.

Si kastaba, xaaladda dalka uu maraayo ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana dadka Soomaaliyeed ay isha ku wada-hayaan qodobada ka soo baxa shirka golaha wada-tashiga.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii