Ra’iisul Wasaaraha Haiti oo dil ka badbaaday – Sidee u dhacay isku-dayga dilka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa isku dayday inay disho Ra’iisul Wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry, xilli uu ka qayb galayay munaasabadda sanad guuradii kasoo wareegtay markii uu waddankaas qaatay xornimadiisa, sida ay booliska sheegeen.

Falkan lagu beegsaday Mr Henry ayaa ka dhacay kaniisad ku taalla magaalada Waqooyiga-bari xigta ee Gonaïves.

Muuqaal lagu shaaciyay internet-ka ayaa lagu arkayay ra’iisul wasaaraha iyo ilaaladiisa oo cagahooda uga baxsanaya goobta, iyagoo ku ordaya goobta ay gawaarida u yaalleen.

Mr Henry iyo shakhsiyaadka kasoo baxsaday goobtaas ayaa soo orday iyadoo ay socotay rasaas aad u culus, sida muuqaalka lagu arkay.

Xaaladda amni ee waddanka Haiti ayaa aad u xumaatay tan iyo markii la dilay madaxweynihii dalkaas Jovenel Moïse, bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay.

Mr Henry ayaa wacad ku maray in uu gacan bir ah ku wajihi doono kooxaha burcadda awoodda badan ee lagu eedeeyay inay mas’uul ka yihiin mowjad afduub ah.

Kooxahan ayaa sidoo kale lasoo tebiyay in ay gacanta ku dhigeen maamulka inta badan goobaha shidaalka laga bixiyo ee dalkaas, arrintaas oo sababtay dhibaato shidaal yaraan ah.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in “burcad argagixiso ah” ay ka dambeeyeen isku dayga dilka ah, haddana la sameeyay warqado fasax ah oo lagu soo xirayo dadka la tuhunsan yahay.

Mas’uuliyiinta xafiiska ayaa ku eedeeyay kooxda weerarkan geysatay inay isku qariyeen darbiyada si ay u beegsadaan kolonyada gawaarida ee Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kalena ay baadariga kaniisadda handadeen iyagoo isku gedaamay goobtaas, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Associated Press.

Hal ruux ayaa ku dhintay mid kalena waa lagu dhaawacay rasaasta dhex martay kooxda hubeysan iyo ciidanka amaanka, sida ay ku warrameen warbaahinta maxalliga ah.

Weerarkan ayaa guul darro kale ku ah maamulka aan cagaha adag ku taagneyn ee Mr Henry, oo ku simaha madaxweynaha Haiti noqday labo isbuuc kaddib markii la dilay Moïse.

Ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysa isku dayga dilka ah oo la aaminsan yahay inay fuliyeen kooxo calooshood u shaqeysteyaal ah.

BBC