Halkee ku danbeeyay shirkii uu FARMAAJO ku baaqay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay shirkii uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran, markii uu isku dayey inuu shaqada ka joojiyo Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalkii kasoo baxay Farmaajo ee shirkaasi ayaa u qornaa: “Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la isugu yimaado shir wadatashi ah oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dhacdo”

Shirkan ayaa hadda fashilmay, waxaana si rasmi ah Muqdisho uga furmay shirkii u uku baaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Fashilka shirka, wuxuu ka mid yahay go’aanno uu soo saaray Farmaajo oo shaqeyn waayey, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Abaabulka kiis musuq ah oo lagu soo oogay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Shaqo ka joojintii uu ku sameeyay 27-kii December 2021 ee lagu tilmaamay Afgembiga.

Fashilka shirkii Farmaajo ayaa waxaa ka dambeeyay dowladda Mareykanka oo Farmaajo si toos ah uga hor timid, ugana digtay inuu ku kaco falalka halista gelin kara xasiloonida, waxayna si cad ugu shegtay inuu la shaqeeyo Ra’iisal wasaare Rooble iyo shirka uu ku baaqay.

Waxaa sidoo kale shirka Ra’iisal wasaare Rooble ku baaqay ka qeyb galay madaxweynayaasha maamul Goboledyada ee hore u taageersanaa Farmaajo, markii ay cadaadis kala kulmeen beesha caalamka.

Xigasho: Goobjooge