Sawirro: Beesha Caalamka oo ku biirtay shirka Golaha Wadatashiga ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wadatashiga qaran oo ka kooban ra’iisul wasaaraha, madax goboleedyada dalka iyo duqa Muqdisho ayaa maanta kulan la yeeshay wakiilada beesha caalamka oo ku biiray wada-hadallada uga socdo Teendhada Afisyoone.

Shirka oo shalay soo billowday ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo sidoo kale muranada xoogan ee hareeyey doorashooyinka ka socda dalka.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada-hadleen taageerada iyo doorka wakiilada beesha caalamka ee ku aadan dardargelinta doorashooyinka, gaar ahaan mida golaha shacabka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiskra ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa intaasi kusii daray “Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble waxaa ka go’an in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale,”.

Wada-hadallada ayaa sidoo kale sii soconaya, waxaana sidoo kale ku biiri doono xubnaha mucaaradka iyo bulshada rayidka ah, si ay talooyinkooda ugu biirayaan madasha.

Xukuumadda Soomaaliya oo iyadu garwadeen ka ah shirkani ayaa rajeyneysa inay guul ku soo dhammaadaan wada-hadallada socda oo ku soo aaday, xilli aad loogu baahnaa.

Si kastaba, xaaladda dalka uu maraayo ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana dadka Soomaaliyeed ay isha ku wada-hayaan qodobada ka soo baxa shirka golaha wadatashiga.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii