Afar faa’iido oo Soomaaliya ugu jirta heshiiska Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa wadanka Kenya Uhura Kenyatta ayaa dib u furay dhabaha cilaaqaadka togan ee labada dal kaasoo ciriiri ku jiray dhowrkii sano ee u dambeysay.

Tallaabadaan ayaa bogaadin deg deg ah ka heshay dadka uu sida taban u saameeyey cilaaqaadii liitay ee sanadihii dambe.

Labada madaxweyne ayaa heshiis dhowr qodob ah waxay ku gaareen madaxtooyada magaalada Nairobi. Waxay ka dhigan tahay inay laba bilood ku qaadatay madaxweyne Xasan Sheekh hagaajinta xiriirka mid ka mid ah dalalkii ugu fogaa nidaamkii Villa Somalia baneeyey oo uu madaxda u ahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba sheekadaan waxaan ku eegeynaa waxyaabaha laga faa’idi karo heshiiska ay shalay magaalada Nairobi ku gaareen labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya:

  1. Ganacsiga

Inkastoo dib loo fasaxay ganacsiga qaadka oo aysan Soomaalidu isku si u arag faa’idadiisa iyo khasaarihiisa, haddana dhinaca kale in ganacsiga kalluunka Soomaaliya uu banaanka suuq ka helo waa fursad aan la dhayalsan karin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laga sugayey inuu Uhura Kenyatta ku qanciyo inuu wax uun Soomaaliya uga fuqo si qaadka looga fasaxo ayaa u muuqda inuu ku guuleystay qodobkaan bilowga u noqon kara ganacsi baaxad leh oo dhex mara bulshada labada dal.

  1. Socdaalka

Halka ugu badan oo ay dadka Soomaalidu ugu safraan sida maalinlaha ah waa Kenya. Caqabado badan oo tixano ah ayaa gelista Nairobi ka jiray maalmo badan.

Sidoo kale xuduudka ayey caqabado joogta ah ka jireen taasoo dhaawacday ganacsiyadii dhex mari jiray dadka degan deegaanada ku teedsan xadka.

In labada madaxweyne ku heshiiyeen furista xadka iyo fududeynta socdaalka, gaar ahaan dadajinta dal ku galka Kenya ee dadka sita baasaboorka Soomaaliga ah ayaa xiiso loo dhan yahay u yeeshay heshiiska labada hoggaamiye.

  1. cilaaqaadka labada dal

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya wuxuu gaaray meeshii ugu xumeyd abid, labada dal ayaa xataa isku garbiyey fagaarayaasha caalamiga ah, waxaa hoos u dhacay iskaashiga amniga, gaar ahaan iskaashiga la dagaalanka Al-Shabaab.

Mugdiga cilaaqaadka xataa wuxuu gaaray inuu saameeyo shacabka labada dal, si gaar ah Soomaalida oo hadda dano badan ku heysata gudaha Kenya.

Heshiiskii shalay wuxuu nafis siyaasadeed u yahay cilaaqaadka labada dal, waxaana la filayaa inuu yareeyo cadaadiskii heystay shacabka.

  1. Dib u eegis iyo joogteyn

Maadaama labada dal dhowr jeer oo ay ballameen aan la fulin heshiisyada qaar waxaa nuxur fiican u yeelay war-murtiyeedkii shalay inay bisha Agoosto ee sanadkaan Muqdisho ku kulmi doonaan guddi labada dal ah oo sii turxaan bixinaya qodobada heshiiskaan iyo fulintooda.

Maalmo cusub ayaa u bilowday labada dal ee dariska ah. Dadka ka faalooda siyaasadda gobolka ayaa tallaabo macno leh u arka dib u hagaajinta cilaaqaadka siyaasiga ah, ganacsiga iyo iskaashiga labada dale e Soomaaliya iyo Kenya.