Afhayeenkii FARMAAJO oo qormo macsalaameyn ah ugu hadlay wixii soo maray

Afhayeenkii hore ee madaxtooyadda Villa Somalia, C/rashiid Maxamed Xaashi oo qoraal macsalaameyn ah soo gaarsiiyay Caasimada Online, wuxuu ugu hadlay waayihii shanta sano iyo marxaladihii kala duwanaa ee soo maray, isagoona qormadiisa cinwaan ugu dhigay “AFHAYEENNIMADU WAA BANOONI AFKA LAGA DHEELO OO BULSHADU GARSOORE KA TAHAY.

Hoos ka aqriso

Fursaddan aan uga faa’iidaysto in aan u mahadceliyo, Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo igu aaminay in aan guto waajibka qaran ee uu ii magacaabay, waxaan leeyahay: “Afrika waxaa asaaggeed ka reebay musuqmaasuq. Haddii maanta 54-ka dal ee Afrika ay gali lahaayeen doorasho xor iyo xalaal ah, dadweynaha dal waliba waxuu dooran lahaa hoggaamiye u ilaaliya ammaanadooda. Naso nafta geesiga aheey”.

Intii aan shaqaynaynay, waxaa na soo martay maalmo qurux badan iyo kuwo kale oo adag. Marka aan ka soo gudbo in laga shaqeeyey danta Dalka, Dadka iyo Diinta, Waxaa iigula xasuus badnaa xilliyadaas, aafadii COVID-19 iyo sidii caalamku u kala go’ay bulshooyinkuna u kala fogaadeen. Waxaa xigay dabayshii doorashada iyo shirarkii isdaba joogga ahaa, heshiiskii 17-kii Sebteembar iyo hirgalintiisii. Waxaa ugu danbayn ku soo afmeernay dimuqraadiyaddii xil-wareejinta oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Astaan Qaran inoogu noqday, waxaan leeyahay: “Madaxweyne Alla ha kula garabgalo, hammigaaga iyo dib-u-doorashadaada”.

Marka labaad waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhammaan Hawl-wadeennadii Warfaafinta Madaxtooyada ee sida xirfadda leh iila soo shaqeeyey, iyaga oo igu garab siiyey in aan waajibaadkii nasaarnaa u wada gudanno si xil-kasnimo leh.

Bahda warfaafinta Soomaaliyeed gaar ahaan Agaasimayaasha warbaahinta gaarka loo leeyahay waxaan uga mahadcelinayaa sidii wanaagsanayd ee ay mudadaas iila shaqeeyeen, si gaar ah waxaan u xasuusnaan doonaa barnaamijyadii khayriga ahaa ee aan wada fulinnay sida, ka warqabkii joogtada ahaa ee agoonta wariyayaashii Soomaaliyeed ee u geeriyooday iyaga oo mihnaddan sharafta leh ugu adeegaya bulshadooda.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa, saaxiibbadii caalamka ee Warfaafinta Madaxtooyada JFS, kuwaas oo aan iska kaashanay dhinacyada la dagaallanka fikirka xagjirka iyo wararka been abuurka ah, Saaxiibaddaas oo ay ugu horreeyaan Warfaafinta Madaxtooyooyinka Turkiga, Nigeria, Qadar iyo qaar kale.

Waxaan marwalba xasuusnaan doonaa una mahadcelinayaa bulshadii Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba nagu taageertay shaqadii aan qaranka u soo qabanay. Waa idinkii nagu garab taagnaa guulihii dib-u-dhiska dalka iyo Isxilqaan, waa idinkii dhiigga u shubay 14 Oktoobar, waa idinkii soo hor dhoobtay maxkamadda ICJ, waa idinkii.. waa idinkii..

Dharaarihii aan shaqayneynay, waxaan 30 sano kaddib dhisnay xafiiska cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada JFS, kaas oo Madaxweyne Farmaajo ugu magac daray ruugcaddaagii saxaafadda Soomaaliyeed ee Cabdi Xaaji Gobdoon. Waa Muwaadinkii ugu horreyey ee goob ka tirsan Madaxtooyada Qarankeenna loogu magac-daro, waana mid muujinaysa mudnaanta ay Madaxtooyadu u hayso shaqadii qiimaha badnayd ee uu ka soo qabtay. Waana tan maanta ay hiigsanayaan jiilka aan ka midka ahay.

Warfaafinta Madaxtooyadu waa qayb ka mid ah Xafiiska Madaxweynaha oo u xil saaran baahinta waxqabadka Dowladda iyo horumarka Dalka, iyada oo mudnaan la siinayo haqabtirka baahiyaha xogeed ee Shacabka iyo Warbaahinta, difaaca danaha qarannimada Soomaaliyeed iyo horumarinta Warbaahinta Soomaaliyeed.

Muddadii Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada JFS aan ahaa waxaan maanka ku hayey, in afhayeennimadu tahay banooni afka laga dheelo – kubad afka laga ciyaaro- oo ay waajib tahay in aad yool ama hadaf cad u yeesho xirfadda aad garoonka latagayso. Bulshada ayaa garsoore ka ah ciyaarta, iyaga oo maanka ku haya “War hay, oo war aad rabto hay.”

Ugu danbayntii, hoggaaminta Xafiiska Warfaafinta JFS waa shaqo iyo sharaf, dhafar iyo dheelmad, waa dhabar adayg hawl rabta iyo dhiiri xoog badan. Waxaa nasiib leh ruuxii masuuliyaddaa shaadh cad oo nadiif ah ku soo gala, kalana hoyda shaadh cad oo nadiif ah.

Mahadsanidin
Abdirashid M. Hashi

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.