Mareykanka oo shaaciyey in la qabtay Soomaali madaxiisa la dul-dhigay $1 milyan

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay abaal-marin lacageed oo gaareysa hal milyan oo dollar ay siineyso ciddii keenta xog horseedi karta xarigga mid ka mid ah laba nin oo Kenyan ah oo la baadi-goobayo, kuwaas oo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada iyo duur-joogta.

Laamaha ammaanka Kenya ayaa baadi goob ugu dhaqaaqay labadaas nin ee baxsadka ahaa, Badru Cabdulcasiis Saalax ayaa lagu guuleystay soo qabashadiisa, halka ay ciidamadu weli baadi goobayaan Cabdi Xuseen Axmed.

Labadaas nin oo baxsad ka ahaa Mareykanka, laguna raadjoogay ayaa loo haystaa ka ganacsiga daroogada iyo ugaarsiga duurjoogta, waxaana Badru Cabdulcasiis Saalax laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Garissa xili uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska Nation oo soo xigtay ilo ka tirsan booliska Kenya.

Qabashada ninkaan ayaa ku soo beegmaysa afar maalmood un ka dib markii Agaasinka Danbi baarista iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaas oo si weyn loogu faafiyay warbaahinta iyo dhamaan baraha bulshada, balse booliiska weli kuma guuleysan inay soo qabtaan Cabdi Xuseen Axmed oo ay wada socdeen Saalax.

Ninka la qabtay ee Badru Cabdulcasiis Saalax waxaa lagu hayaa xarunta laanta la dagaalanka argagixisada ee magaalada Nairobi, halkaasi oo ay dambi barayaashu ku waydiinayaan su’aalo la xiriira xiriirka uu la leeyahay Mr Axmed, halka uu ku sugan yahay iyo waxa uu dalka ka hayo.

Safaaradda Mareykanka ayaa toddobaadkii hore u yaboohday 1 milyan oo doolar cidii keenta xog kasta oo horseedi karta in la soo qabto Mr Saalax oo lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha.

Madaxa waaxda dambi baarista ee Kenya, George Kinoti oo wariyeyaasha kula hadlayay Khamiistii magaalada Nairobi ayaa sheegay in labada qof ee Kenyanka ah loo raadinayo ka ganacsiga daroogada iyo duurjoogta oo ku kacaya malaayiin dollar.

“Waxay ku lug lahaayeen gudbinta, qaybinta iyo tahriibinta 190 kiiloogaraam oo gees wiyisha ah iyo 10 tan oo fool maroodi ah oo laga kala keenay waddamo kala duwan oo Afrika ah, oo Kenya ku jirto, kuwaas oo loo qaaday dalka Mareykanka,” ayuu yiri Kinoti.

Qaabkii loo soo qabtay ayaan faahfaahin laga bixin islamarkana ma cada in ay jirto cid qaadatay abaalmarintii uu Mareykanka ballanqaaday, balse safaaradda Mareykanka ayaa maanta xaqiijisay qabashada ninka baxsadka ku jiray, waxayna shacabka ku ammaantay inay gacan ka geysteen soo qabashadiisa.

“Mr Saalax waxa uu ku jiraa xabsiga Nairobi. Xogta lagu soo qabtay Saalax waxay jawaab u tahay dalabkii 26-kii May ee lagu dhawaaqay in abaal-marin lacageed lagu raadinayo macluumaad horseedaya in la xiro, lana maxkamadeeyo Saalax iyo Cabdi Xuseen Axmed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.