AFRICOM: Muddo kororsiga Farmaajo way ka halis badan tahay kooxda Al-Shabab

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn Soomaaliya ee iminka aysan aheyn Al-Shabaab, balse ay tahay muddo kororsiga madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka.

“Al-Shabaab ma ahan walaaca ugu weyn ee Soomaaliya iminka, balse waa qaska siyaasadeed ee ka dhex jira dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada….muddo kororsiga madaxweynaha waa caqabaddeena ugu weyn, sidaas ayey ila tahay iminka,” ayuu taliyaha AFRICOM Jeneral Stephen Townsend, oo warbixin siiyey guddiga adeegga ciidamada ee Aqalka Senate-ka. 

Senator Jack Reed, oo ah guddoomiyaha guddiga ciidamada ayaa isna kulanka ku yiri “Tallaabadan [muddo kororsiga] waxay si toos ah u waxyeeleyneysaa horumarkii laga sameeyey hanaanka dimoqraadiyadda iyo is-beddelada hay’adaha dowladda, waxayna halis gelin kartaa taageerada caalamiga ah.” 

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa horey u diiday muddo kororsiga, waxayna ku hanjabtay tallaabooyin ka dhan ah kuwa ku lugta leh, oo ay ka mid yihiin cunaqabteyno.

Dhinaca kale, Jeneral Stephen Townsend ayaa Senate-ka u sheegay in go’aankii uu maamulka Trump ciidamada uga saaray Soomaaliya uu abuuray caqabad cusub oo la xiriirta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Shaki kuma jiro in ka bixitaanka ciidamada ee Soomaaliya ay soo kordhisay caqabado iyo halis cusub,” ayuu yiri Townsend. 

Townsend ayaa sheegay in ciidamo yar oo gaaraya illaa 100 ay iminka ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, kuwaas oo shaqadooda ay la xiriirto safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. 

Waxa uu intaas ku daray inuu xog ka siinayo xoghayaha Gaashaandhigga Lloyd Austin mustaqbalka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, ayada oo hadda ay socoto dib u eegis lagu sameynayo, taasi oo uu amray madaxweyne Biden, markii uu xukunka  kala wareegay Trump.