CAYNTE: Farmaajo wuxuu toddobaad gudihiis ku dhacay bohoshii ugu weyneyd

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu toddobaadkan ku dhacay bohoshii ugu weynd, sida uu hadalka u dhigay.

Caynte oo qoraal soo dhigay facebook ayaa yiri “Kalitaliye Mohamed Abdullahi Farmaajo muddo toddobaad gudihiis ah wuxuu ku dhacay bohoshii ugu weyneyd. Kaddib markii uu si sharci darro ah labo sano ugu dhufsaday, wuxuu damcay inuu ka dhex kalluumeysto Midowga Afrika, si loogu xalaaleeyo boollida uu dhacay.’

Waxa uu intaas ku daray “Caawa ayay Midowga Afrika kasoo xireen albaabkaas, waxayna codkooda ku biiriyeen caalamka intiisa kale (USA, EU, UK & UN).”

Caynte ayaa ka falcelinayey go’aankii xalay kasoo baxay Midowga Afrika ee sida xooggan loogu cambaareyey muddo kororsiga Farmaajo iyo golaha shacabka, kuna baaqay in deg deg loogu laabto wada-hadalladdii doorashada.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa sheegay in Farmaajo ay hadda u furantay laba waddo oo kala daran.

“Laba wadiiqo oo kala daran ayaa u furan: 1. Inuu kusii socdo dhabbaha qar iska xoornimada, sheegtana inuu yahay madaxweyne sharci ah. Taas waxaa ka dhalan doonta in isaga iyo xertiisa toos loo beegsado, cunaqabateyn iyo curyaamin kale la dul dhigo.  2. Inuu is-casilo, kaddib marka uu garowsado tabar darradiisa. Ku soco ayaan leeyahay.”

Go’aanka Golaha ayaa dhabar jab weyn ku noqday Farmaajo, ayada oo ururka Midowga Afrika uu ahaa kan kaliya ee ka harsanaa beesha caalamka, ayada oo horey muddo kororsiga ay u diideen QM, Midowga Yurub, Mareykanka iyo dhammaan dalalka Yurub.