Jaamacadda CARABTA oo war kasoo saartay xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya

Cairo (Caasimadda Online) – Jaamacadda Carabta ayaa ka dhawaajisay inay walaac xoog leh ka qabto Xaaladda Soomaaliya iyo khilaafka ka dhaxeeyo dhinacyada siyaasadda ee Soomaaliya ee ku saabsan doorashadii la filayey inay dhacdo.

Bayaan kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa loogu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxda Maamul Goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah inay xal siyaasadeed oo deg deg ah ka gaaran arrinta Doorashada.

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in wadahadalka siyaasadeed uu yahay midka kaliya ee xal looga gaari karo heshiis la isku raacsan yahay oo lagu maamulo doorashooyinka soo socdo ee Soomaaliya.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Jaamacadda Carabta ay garab taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed xilli kasta illaa ay ka guuleysanayaan caqabadaha haatan jira ee dib u dhiska Hey’adaha Dowliga ah, waxayna jaamacadda Carabta sheegtay inay lagama maarmaan tahay ilaalinta midnimada Qaranka,  Xisiloonida iyo soo kabashada guud ee dalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka taagan khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan doorashada maadaama dowladda hadda ka taliso uu waqtigeeda ku ekaa 8 February illaa haddana ma jirto doorasho heshiis lagu yahay oo lagu soo dooranayo madaxweynaha iyo Baarlamaanka iyadoo weliba uu guddoonka Baarlamaanka soo saaray sharci u ogolaanayo muddo kordhin laba sano ah.

Isniintii, Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay in Midowga Africa uu door hoggaamineed ka qaato fududeynta geeddi-socodka doorashooyinka oo awood u siinaya “muwaadin kasta in uu ku doorto wakiillada iyada oo loo marayo doorashooyin xor iyo xalaal ah.”