Agaasimaha Machadka Heritage oo xilka is-casilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Machadka Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa xilkaas iska casilay kadib lix sano oo uu haye, sida lagu sheegay qoraal goordhow kasoo baxay Machadka, waxaana xilkaas si ku-meel gaar ah loogu dhiibay agaasime ku-xigeenka Mursal Maxamuud Saneyn. Hoos ka aqriso qoraalka Machadka kasoo baxay.

Ujeeddo: Is-beddel Hoggaanka Machadka Heritage

Muqdisho, 11 Febraayo 2021: Guddiga Hoggaaminta ee Machadka Heritage ayaa aqbalay iscasilaadda Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo lixdii sano ee la soo dhaafay ahaa Agaasimaha Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage. Mudane Cabdirashiid waxa uu muddo-xileedkiisu ku eg yahay 28 Febraayo 2021. Sida uu dhigayo hannaanka maamulka ee Machadka Heritage, Agaasime-kuxigeenka Machadka oo ah Mursal Maxamuud Saney ayaa noqonaya sii hayaha xilka Agaasimaha Fulinta, laga bilaabo 01 Maarso 2021. 

Mudane Cabdirashiid Khaliif oo wax ka aasaasay Machadka Heritage ayaa Guddida Hoggaaminta ee Machadka Heritage ku wargeliyey go’aankiisa is-casilaadda muddadii lagu guda jiray kulan sannadeedkii Guddida Hoggaaminya ee qabsoomay bishii Janaayo 2021. Mudane Cabdirashiid, intii aanu noqon Agaasimaha Fulinta, waxa uu muddo saddex sano ah soo ahaa agaasime kuxigeenka koowaad ee machadka Heritage. Intii aanu ku soo biirin Machadka, Cabdirashiid waxa uu la soo shaqeeyay hay’adda ICG, isaga oo u qaabilsanaa falanqaynta Soomaaliya. Taa horteedna waxa uu Cabdirashiid xilal hoggaamineed oo kala duwan ka soo qabtay dawladda Soomaaliya, isaga oo soo noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska iyo Agaasimaha Warfaafinta ee Xafiiska Madaxweynaha. In kasta oo aannu ka murugeysannahay tegitaanka Cabdirashiid, haddana Golaha Hoggaaminta waa uu ixtiraamayaa rabitaankiisa ah in uu hoggaaminta wareejiyo. 

Intii uu Cabdirashiid xilka hayey waxa uu machadku kor u qaaday tayada wax soo saarkiisa iyo saameynta uu Machadku ku leeyahay xal u raadinta arrimaha murugsan ee Soomaaliya. Mudane Cabdirashiid, waxa uu hormuud ka ahaa hir-gelinta Madasha Aragti Wadaagga Sannadlaha ah taas oo ah madal ay aragtida ku wadaagaan dadka siyaasadda dejiya ee Soomaaliyeed iyo hoggaamiyeyaasha fikirka. 

Dhinaca cilmi-baarista, Cabdirashiid intii uu Machadka hoggaaminayey waxa uu laba-jibbaarey soo saaradda daraasadaha, isaag oo Machadka Heritage uu soo saaray in ka badan 40 cilmi-baaris, kuwaas oo qaar ka mid ah ay diiradda saarayeen arrimaha ugu murugsan siyaasadda Soomaaliya. Mashaariicda ugu caansan ee Machadka uu ka hawl-galay waxa ka mid ahaa mashruucii Horumarinta Karaanka Bulshada, oo ahaa seeska isbeddelka karaanka bulshada ee Soomaaliya, isaga oo ugu dambeyntiina lagu daray Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaaliya.

Mudane Cabdirashiid, dhidibada ayuu u aasay Machadka Heritage. Muddadii uu hoggaaminayey, Machadku waxa uu ku guulaystay in uu helo maal-gelin sanado soconaya, kuwaas oo uu ka helay deeq-bixiyeyaal kala duwan, oo taageerayaal u ah qorshaha istiraatiijiyadeed ee machadka, oo ay ku jiraan cilmibaarista siyaasadda, doodaha iyo barnaamijyada Madasha Aragti-wadaagga. Shantii sano ee la soo dhaafay Jaamacadda Pennsylvania oo qiimaysa xarumaha cilmi-baarista adduunka waxa ay Machadka Heritage u aqoonsatay in uu yahay mid ka mid ah xarumaha ugu sarreeya cilmi-baarista ee Afrika.

Doorka Guddiga Hoggaaminta ee Machadka Heritage waa in ay kormeer iyo hagitaan istiraatiiji ah ku biiriyaan hoggaaminta iyo maaraynta Machadka. Inta lagu jiro xilligan kala guurka ah, guddidu waxa ay ku taageeri doonaan Agaasimaha ku meelgaarka ah in uu si habsami leh u guto waajibaadkiisa. Guddida Hoggaamintu, fursaddan waxa ay uga faa’iidaysanayaan in ay mudane Cabdirashiid Khalif si kal iyo laab ah uga mahad-celiyaan hiigsigiisa sare iyo hoggaamintiisii, waxa aanay u rajaynayaan mustaqbal ifaya iyo nasiib wanaagsan.