DF oo daha-furtay diiwaan gelinta diyaaradaha iyo Hala Airlines oo noqotay diyaaraddii ugu horeysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah-furtay diiwaan-gelinta Diyaaradaha iyo Rusqad-siinta Xirfadleyaasha, taasi oo muddooyinkii dambe ay wadeen Wasaarada duulista iyo Hay’adda duulista rayidka Soomaliya.

Shirkadda diyaaradaha ee Hala Airlines ayaa noqotay diyaaraddii ugu horreysay ee hesha shatiga diyaaradaha Soomaaliya, taasi oo dadka raaca siineysa kalsooni ah inay raacayaan diyaarad sharciyeysan.

Milkiilaha shirkadda Hala Airlines Xaaji Ibraahim, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in diyaaraddooda ay noqotay middii ugu horreysay ee Soomaaliya ee heshay ruqsadda.

Shirkadda Hala Airlines ayaa leh dhowr diyaaradood oo ka holwgala magaalada Muqdisho iyo diyaarado tegaya dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya.

Munaasibadan oo uu daah-furay Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad, isagoona ku bogaadiyay dadaalka hey’adda duulista rayidka Soomaaliyeed iyo howl-wadeenada wasaarada.

Wasiirka ayaa waxa uu ku amaanay shaqaalaha Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada shaqada adag ee ay ka qabteen nidaamka duulimadka dalka iyo hirgelinta nidaamkan cusub.

Munaasibaddan ayaa sidoo kale waxa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Safiirada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, milkiileyaasha Soomaaliyeed ee leh Shirkadaha diyaaradaha Iyo hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina waxa Wasiirka uu guddoonsiiyay ogolaansho shaqo iyo ruqsado ka marag kacaya aqoontooda shirkadaha duullimaayadda iyo Duuliyayaal Soomaaliyeed.