Xildhibaan Ilhaan Cumar oo xil muhiima loo magacaabay

Washington (Caasimada Online) –  Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka ayaa waxaa loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka guddi hoosaadka awoodda u leh arrimaha Afirka iyo arrimaha xuquuqul insaanka caalamka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskeeda.

Guddi hoosaadkan ayaa waxaa uu ka tirsan yahay guddiga arrimaha dibedda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ilhaan Cumar ayaa waxa lagu sheegay in xilkan cusub loo magacaabay maalintii Khamiistii, islamarkaana ay si rasmi ah u noqotay guddoomiye ku-xigeenka guddigaas oo lagu magacaabo Guddi-hoosaadka Afrika, Caafimaadka Adduunka, Xuquuqda Aadanaha ah iyo Ururrada Caalamiga ah.

Waxa lagu xusay in Xildhibaan Ilhaan ay si gaar ah u daneynayso “inay kormeerto arrimaha gar-gaarka caalamiga ah iyo siyaasadda dibedda ee Afrika”, sida lagu sheegay qoraalka.

Xilkan cusub ayaa imanaya xili ay xildhibaanadu ay hore uga mid aheyd guddiga arrimaha dibedda ee aqalka Congress-ka, kaasi oo ay kala kulantay dhaleeceyn xoogan oo ka dhan ah xilkaas, kadib soo jeedimo la xiriiray guddigaas.

Ilhaan ayaa kamid aheyn Xildhibaano dhowr ah oo ay si weyn isku hayeen madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, kaasi oo dhowr jeer Ilhaan darteed ugu gefay dalka Soomaaliya, waxayna u muuqata in doorkeeda siyaasadda ee Mareykanka uu sarre ukacayo, maadama uu meesha ka baxay.