BOOLISKA oo faah-faahin buuxda ka bixiyey qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Duudishe ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay qaraxa caawa ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sadiiq ayaa sheegay in ciidanka booliska Soomaaliya ay fashiliyeen qaraxa miino oo Al-Shabaab ay ku tuureen waaxda Kacaan ee degmada Hodan, sida uu yiri.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in wax khasaaro uusan ka dhalan qaraxa, isagoona in ciidamada booliska Soomaaliya ay caawa baaritaano ka wadaan halka uu qaraxa ka dhacay, islamarkaana ay xireen goobta uu qaraxa ka dhacay.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa fashiliyay qarax miino oo ay argagixisadu ku tuureen Degmada Hodon, gaar ahaan Waaxda Kacaan dhabarka dambe ee Kaalinka Shidaakka ee HAAS, wax qasaaraha oo naf iyo maalba leh ma geysan. Ciidanka Boliiska ayaa goobta xiray,” ayuu yiri afhayeenka. 

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa KPP iyo Isgoyska Bakaaraha.Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa la dhigay meel u dhow maqaayad lagu magacaabo SAARA oo ku taalla agagaarka Isgoyska Bakaaraha, gaar ahaan dhanka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaaal ah aaa sheegay in ay arkayeen uuro cirka isku shareertay oo uu qaraxu sababay.